warsangeli attack dhulbahanta

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

warsangeli attack dhulbahanta

Post by Hiiraan boy »

Dhimasho ,Dhaawac Iyo Weliba Afduub Ka Dhacay Deegaanka Baliyo Ee Deegaanka Taleex.
Warkii 29-Sep-2007 iyo Qormadii: yaasiin faytin

Wararka naga soo gaaraya deegaanka baliyo ee soolasha ka tirsan degmada taleex ayaa dabley ku hubaysan baabuurta dagaalka iyo weliba qoryaha garabka lagu qaato waxay ku dileen labo nin oo ka soo jeeda deeganka taleex iyo weliba hal nin oo dhaawaca ah halka ay ku qafaasheen 7-nin oo isla deegaankasi ah.

Dableydan hubaysan ee weerarka geysatay ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan waxay kasoo jeedaanka deegaanka dhahar ee gobolka sanaag iyagoo sida la sheegay ay weerar kusoo qaadeen deegaanka baliyo oo ay isugu yimaadeen xoola dhaqatada deegaankaasi islamrkaana halkaas ku dileen labo nin oo lagu kala magacaabo ina jaamac dheged iyo weliba siciid aadan waambe iyadoo sidoo kalena dhaawac halis ah kasoo gaaray mid kamida dhlinyarada isla deegaankaasi .



Dableydan hubasyan ayaa sidoo kale waxay qafaasheen sida warku nagu soo gaadhayo 7-nin oo kasoo jeeda deegaanka degmada taleex islamrkaana aan la ogayn ilaa iyo iminka halka ay sal dhigteen mana cada sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilalkan iyo weliba qafaalashadan dadka xoolo dhaqatada ah ee ay ku dhaqaaqeen dabley kasoo jeeda deegaanka dhahar ee gobolka sanaag .



Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee qafaalasho noocan oo kala ah ay ka dhacdo deegaanada hoos yimaada degmada taleex ,waloow ay jiraan shaqaaqooyin gacan ka hadal oo hore uga jiray deegaankaasi oo u dhexeeyey beelaha dega degmada taleex iyo weliba kuwa dega degmada garoowe.



yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

info@afnugaal.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”