Dhiilada colaadeed after somaliland sent army to front

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dhiilada colaadeed after somaliland sent army to front

Post by Hiiraan boy »

Dhiilada colaadeed ee ka taagan duleedka Laas-caanood oo cirka isku sii shareertay ka dib markii ciidamo dheeraad ah uu halkaasi u diray maamulka Somaliland

Dhaqdhaqaaq ciidan iyo dhiilo colaadeed oo aad u sareysa ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee maanta laga dareemay deegaanada Ari cadeeye iyo Abeesaale oo ku yaala duleedka magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ka dib markii Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ay ciidamo dheeraad u dirtay deegaanadaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa iyana la sheegay markii uu arinkani soo shaac baxay ay iyana dhinacooda bilaabeen iney dalbadaan ciidamo gurmad ah, iyagoo sidoo kalena dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gudaha magaalada Laascaanood, waxaana xiisadahan colaadeed ee isa soo taraya ay keeneen in qaar ka mid ah qoysaskii magaaladaasi ku noolaa ay halkaasi ka barakacaan sababo la xiriira waxyeelo ka soo gaari karta dhiilada colaadeed ee halkaasi ka taagan, iyadoo sidoo kalena ay arintaasi si weyn u saameysay ganacsigii magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa mudooyinkanba isku hor fadhiyey deegaanada ku yaala duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo muddo dhowr jeer ahna ay horey ugu dagaalameen, waxaana xiisada colaadeed ee ka dhexeysa labadaasi maamul ay salka ku heysaa muran muddo soo taxnaa oo ku aadan cida ay hoos tagayaan gobolada Sool iyo Sanaag bari oo labada maamul midba uu goonidiisa u sheeganayo.



Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”