GEDI FANAX WANTS TO USE IMPEACHMENT ON CASHO YUSUF
Posted: Sat Sep 29, 2007 2:27 pm
Khilaafka u dhexeeya labada nin aad buu u sii durkay. Raiisul Wasaaraha wuxuu ku fikirayaa sida ay u suurta gal tahay in Madaxweynaha "Impeachment" lagu sameeyo. Arrintaas xooggeeda waxaa qabanaya Baarlamanka KMG ah iyo Maxkamadda Sare oo wada jira. Raiisul Wasaaraha waxay awooddiisa ku salaysan tahay xubno badan oo asaga la jira. Arrimahaan waxay ka soo baxayaan oo laga hadal haayaa Baarlamanka KMG ee fadhigiisu yahay Baydhaba, inkastoo baroosees ka uu dheer yahay.
Dhinaca kale, waxaa aad iyo aad u soo caddaanaysa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu rabo xilka ka qaadid inuu ku sameeyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. Tan waxay u suurta gali kartaa Madaxweynaha haddii uu isticmaalo awood dheeraad ee oggolaanayo Cahdiga KMG. Madaxweynaha inuu sidaas sameeyo waxaa u suurta galin kara Cahdiga KMG ee Qaranka.
Labada arrinba, "impeachment" lagu sameeyo Madaxweynaha ama xil-ka-qaadid Raiisul Wasaaraha lagu sameeyo, waxay keenayaan dhibaato hor leh, oo dheeraad ku ah mucaaradada xooggan ee hadda Xamar ka jirta, iyo awoodda carcar ka sidata ee Isbahaysiga Di-u-xorraynta Somalia. Taasi waxay dhalinaysaa dawladdii taagta darnayd inay sii daciifowdo, ka dibna burburto.
Siday noqotaba, intay goori-goor tahay Cali iyo Cabdullahi waa inay ka fikiraan mustaqbalka xukuumadooda iyo dagaal ka adag ay kula jiraan mucaarad ka xooggan ee Xamar hadda ka jiro. Haddii ay sii wadwadaan DFKMG way iska dhecaysaa.