Page 1 of 1

Ciidanka gumeesiga Tikreega iyo dabadhilifyadooda oo bilaaba

Posted: Sat Sep 29, 2007 4:55 pm
by Somaliweyn Commando
Ciidanka gumeesiga Tikreega iyo dabadhilifyadooda oo bilaabay iney kabarakacaan goobaha ay degan yihiin si ay uga badbaadaan weerarada mujaahidiinta.



Muqdisho,29,September-07 (Qaadisiya.com) Cabsi weyn ayaa waxey soo food saartay dabadhilifyada Tikreega ee kusugan magaalada Muqdisho iyadoo hadal heynta ugu badan magaalada ay tahay goobta caawa mujaahidiinta wax iskacaabinta ee howlgalada jihaadiga ah kawada Muqdisho bartilmaameed kadhiganayaan.

Beryihii yaraa ee lasoo dhaafay mujaahidiinta ayaa laba jibaaray weerarada kadhanka ah ciidanka gumeesiga Tikreega iyo dabadhilifaydiisa iyadoo howlgalada jihaadiga ee beryihii ugu danbeeyay fuliyeen ay kudileen Tikree iyo dabadhilifyo ushaqeynayay iyadoo dadka lalaayay ay kujireen saraakiil sarsare.

Mooryaanta kusugan saldhigyada Muqdisho qaarkood ayaa bilaabay iney kacararaan galab dheer iyagoo kabaqaya in mujaahidiinta bartilmaameed kadhigtaan iyagoo kuquus qaatay weerarkii ugu danbeeyay ee xalay lagu laayay dabadhilifyadii kujiray saldhiga Hodan oo laga dhigay kuwa lalaayay iyo kuwa cararay iyadoo laganiimeystay wixii qalaba oo ay wateen.
Mujaahidiinta wax iskacaabinta ayaa waxey wacad kumareen iney kordhin doonaan weerarada ay kuhayaan bishan barakeysan ee Ramadaan iyadoo mujaahidiinta ay kaxoreeyeen dabadhilifyada iyo cadawga Tikreega goobo badan oo ay horey udeganaayeen kuwaasoo ilaahey mahadii haatan kujira gacanta mujaahidiinta.