Xaaladda Colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool iyo ciidan beeleedyo ku soo qulqulaya.
Beerdhiga 30.09.2007 14:04
Wararkii ugu danbeeyey ee aanu Maanta ka helayno magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay soo galeen ciidamo beeleedyo dheeraad ah kuwaas oo ku biiray kuwii hore u joogay koonfurta magaalada laascaanood , ciidamadaas oo ay la socdaan saraakiil iyo xildhibaaano ka tirsan Maamulka Somaliland oo ka soo jeedaa gobolka Sool.
Hogaamiyaha maleeshiyo beeleedyada oo watay Guuto ka tirsan Ciidamadii hore u fadhiyey jiida hore Adhi cadeeye oo sida wararka ka imanaya magaalada Laas-caanood,ay xaqiijiyeen in ay wateen ilaa Toban Gaadiidka tiknikada ah,waxa lagu war helay subaxnimadii hore ee saaka iyagoo dhinaca ka soo galay magaalada dhinaca koonfureed mana jirin wax dagaal ah oo ay kala horyimaadeen maleeshiyada Putland ee ku sugan ,gudaha magaaladaas.
Col: Ibraahim Caydiid dhabdhable oo isagu ah sarkaalka hogaaminaya ciidamada beeleedka taageersan maamulka Somaliland ee hadda gacanta ku haya koonfurta laascaanood ayaa waxaa gurigiisa magaalada laascaanood kula shiray maanta odayaal ay isku jifo hoose yihiin kuwaas oo uu hogaaminayey Caaqil, Jaamac Biixi iyagoona waydiiyey waxa uu damacsan yahay , waxaana uu u sheegay in uu soo gaadhay magaaladiisa uuna hadda la joogo reerkiisa wax dhiba ahna uusan wadin
Dhanka kalana waxa magaalada Laascanood laga dareemayaa barakac ay baro kacayaan dadka shicibka ah ee iyagu la socda xaaladaha colaadeed iyo saan saanka ay leeyihiin, odayada iyo waxgaradka reer Laascanood ayaa isku dayaaya in ay xaalada dajiyaan hase ahaatee meesha waxa dul hoganaysa awood ciidan oo xoogan, taasi oo ay hadda hormood ka yihiin Hogaamiyayaal ka soo kala duday labada maamul ee ku xeeran Gobolka Sool.
si kastaba ha ahaatee hardanka labada maamul waxay riiq iyo colaad sokeeyaba ay ku reebaysaa dadyowga wada dhashay oo ku wada nool deegaanada Sool iyo Sanaag Iyo Togdheer.
Xaaladda Colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool iyo ciidan beel
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 344 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 442 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 5 Replies
- 759 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 537 Views
-
Last post by BlackRain
-
- 0 Replies
- 476 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 6 Replies
- 694 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 133 Replies
- 23189 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 21 Replies
- 1835 Views
-
Last post by razer
-
- 12 Replies
- 1467 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 4 Replies
- 1319 Views
-
Last post by The Magnificent