BREAKING NEWS PUNTLAND+TFG DEFEATED BY SOMALILAND
Posted: Mon Oct 01, 2007 7:23 am
Ciidamada Puntland oo kabaxay laascaanood iyo shirar beesha dhulbahante udhantahay oo bilaabmay
Warkii 01-Oct-2007 iyo Qormadii: afnugaal
Wararkii udanbeeyey ayaa sheegaya in dagaalk kale oo aad u xoog badan oo hada ka qarxay abeesalay oo udhoow adhi-cadeeye dagaalkaas oo hada la isla marayo toga xargaga dagaalkaas oo ay hada dagaalamayaa ciidamada deegaanka ka dib markii ay baxeen ciidamadii puntland oo ay u kolonyeeysteen gawaadhidooda dhibaca garoowe ..
Sida uu hada ku soo waramayo Wariyaha afnugaal ee gobolka waxaa si toosa isutaagay dagaalkii saaka ka socday gudaha laascaanood ka dib markii ciidamada puntland ay isaga baxeen magaalada iyaga iyo gawaadhidoodii ..
Waxaana hada dagaal kii ugu ba'aan u uka socda meesha lagu magacaabo abeesalay oo ay ciidamada Somaliland iyo Puntland isku horfadhiyeen dagaalkaas oo sida naloo xaqiijiyey ay dagaalamayaan dadka deegaanku ka dib markii ay meesha ka baxday gawaadhidii dagaalka ee Puntland .
Dad hada ku sugan garoonka cabdi bille cabdi 3km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada laascaanood ayaa noo xaqiijiyey in difaaca u horeeya ciidamada deegaanka iyo kuwa puntland ee iska caabinaya kuwa Somaliland ay hada ku sugan yihiin toga xargaga oo magaalada ujira qiyastii 12km ..
Dagaalka ayaa si xowli ah ku socda waxaana jira barakac dadwayne oo ka bilaabmay gudaha magaalada kaas aan jirin saaka markii dagaalka magaalada dhexdiisu socday.
Waxaa soo baxaya kalsooni daro aad uwayn oo laga qaaday ciidamada puntland ka dib markii ay isaga baxeen laascaanood taas oo sababtay in dadka deegaanu isku tashadaan, waxaana hada ka socota wada hadalo beeluhu udhan yihiin magaalada laascaanood wada hadalkaas oo looga tashanaya xaalada cusub ..
Dadka reer laascaanood oo saacado ka hor kala qaybsanaa ayaad mooda inay hada meela ka soo wada jeedaan waxaana la filayaa saacadaha soo socda in lagaadho talo dhulbahante oo la isku difaacayo ka dib markii ay meesha ka baxaday taageeradiii maamulka puntland
Ha moogaan wararka u danbeeyey laascaanood kala soco www.afnugaal.com
Info@afnugaal.com