Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2007
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo bilaabay in ay joojiyaan dhalinyarada u safarta Magaalada Muqdisho
Talaado, October 02, 2007(HOL): Ciidamada Dowlada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay bilaabay in ay joojiyaan dhalin-yarada u safarta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka soo gala dhinaca gobollada dhexe sida gobollada Gal-gaduud iyo Mudug.
Ilaa 80 dhalin yaro ah oo la soctay gawaari ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ayeey Ciidamadu ka baajiyeen in ay sii wataan safarkooda waxaana lagu armay gawaaridii ay la socdeen dhaliyarada in ay dib ugu celiyaan gobaladii ay ka soo raaceen kuwaasoo hada ku sugan magaalada Beledweyne.
Saraakiisha Itoobiya ayaa arintani ku macneynaya in ay u sameynayaan sababo dhinaca nabad-galyada iyada oo laga cabsi qabo in dhalinyarada ka soo safarta gobalada dhaxe ka qeyb-qaataan Rabshadaha iyo dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Itoobiya ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Dhalin-yaradan Ciidamada Itoobiyaanku ka baajiyeen Safarkoodii magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa iyaga oo raxan-raxan u socda gudaha Magalada Beledweyne waxaana qaarkood oo HOL u waramay sheegeen in aysan heysan qarash ay ku sii wataan safarkooda maadaama laga reebay gawaaridii ay la socdeen, waxaana ay ka codsadeen dhinaca maamulka ay loo fududeeyo sidii ay ku gaari lahaayeen Caasimada Muqdisho.
Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Beledweyne ayaa hadda bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lagu kootaroolayo isku socda gadiidka u kala goosha Gobalada dhaxe iyo magaalada Muqdisho taasoo ah arin aan horay looga baran.
Dhinaca kale wararka ku saabsan Nin u dhashay dalka Yaman oo dhawaan Ciidmada Booliska magaalada Beledweyne ku wareejiyeen kuwa Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay kadib markii uu isku dayay in uu ka baxsado xabsigii uu ku jiray, lakiin warka ku saabsan dilka Ninka dhaliyarada ah ee u dhashay dalka Yaman ayaan ilaa hada waxaan xaqiijin dhinaca maamulka gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia
Ethiopian troops stop Mujahids coming from Hiran to fight in
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Re: Ethiopian troops stop Mujahids coming from Hiran to fight in
They stopped a potential 80 mujahids
but inshallah they will enter the city someway or another. 


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 544 Views
-
Last post by abwaan1
-
- 0 Replies
- 8 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 10 Replies
- 1328 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 77 Replies
- 2997 Views
-
Last post by Voltage
-
- 12 Replies
- 2327 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 1290 Views
-
Last post by SecularWadani
-
- 1 Replies
- 10098 Views
-
Last post by slipknot
-
- 43 Replies
- 2036 Views
-
Last post by COSTA
-
- 16 Replies
- 993 Views
-
Last post by neocon_2007