BREAKING NEWS SHABELLE BACK ON AIR

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS SHABELLE BACK ON AIR

Post by Hiiraan boy »

ALLAHU AKBAR

Maamulka shabakadda warbaahinta shabelle oo ka hadlay dib u howl-galidda idaacadda shabelle.

Click here to find shabelle news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 02, Sept. 07 ( Sh.M.Network)-Maamulka shabakada warbaahinta shabelle ayaa maanta si guud mahadcelin ugu diray dhamaan qaybihii gacanta ka geeystay dib u furida idaacada shabelle oo mudo 14-maalmood ah hawada uga maqneeyd sababa la xiriira weerar ciidamada dowladda ay ku soo qaadeen xarunta idaaacadda.

Gudoomiyaha shabkada warbaahinta shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud oo ka qaybqaadanayay barnaamij loogu talo galay dib u furida idaacada ayaa si gaara ugu mahad celiyay dowlada mareykanka,Midowga Yurub,Qaramada Midoobay iyo hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo kuwa dalka iyo waliba warbaahinta xorta ah ee ka jirta dalka gacantii ay ka geeysteen dib u howlgalinta idaacada shabelle.

Gudoomiyaha ayaa balan qaaday in idaacadu sii wadeeyso howlihii ay u heeysay bulshada soomaaliyeed isla markaana aanay waxba iska badali doonin qaabkii horay looga bartay ee tabinta wararka xaqiiqada ku saleeysan.

C/maalik Yuusuf Maxamuud waxaa uu sidoo kale tacsi u diray dhamaan saxafiyiinta soomaaliyeed ee iyagu dhibaatada ka soo gaartay howlahooda saxaafada ee ku sugan dalka gudahiisa.

Gudoomiyaha shabelle waxaa uu wax laga naxo ku tilmaamay falalka xadgudubka ah ee loo geeysanayo saxaafada xorta ah iyo waliba tacshiiradii 18 September ciidamada dowlada Somalia ay ku fureen dhismaha idaacada shabelle ee magaalada muqdisho talaabadaasi oo si xoogan ay u cambaareeyen hay’adaha saxaafada caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Mahan markii ugu horeeysay oo ciidamada DKG soomaaliya ay handadaad iyo waxyeelo u geeystaan idaacada shabelle iyo shaqaalaheeda.

Click here to find shabelle news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Email Us: news@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”