
Qax iyo barakac ku yimi shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood.
Warkii 02-Oct-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Binow
Waxaa tan iyo intii uu dhacay dagaalkii maalimadii shalay ay iskaga hor yimaadeen ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa laga dareemayay gudaha magaalada Laascaanood barakac balaadhan.
Barakacan ku yimi dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ah mid si wayn looga dareemay dhamaanba gudaha magaalada Laascaanood kaas oo ay dadku uga baxayaan magaalada tuulooyinka ku xeeran si ay naftooda iyo maalkooda ugu badbaadiyaan oo uusan dagaalka wax uga soo gaadhin.
Waxaa aad arkaysaa baabuur fara badan oo kasii baxaysa magaalada Laascaanood kuwaas oo usocda tuulooyinka ku xeeran magaalada Laascaanood waxaana ay dadkaasi ay si wayn uga cabsi qabaan dagaal ka dhex qarxa magalaada oo u dhaxeeya labada ciidan oo hadda kala jooga labada kaantorool ee bariga iyo waqooyiga.
Mar aan la kulanay mid kamid ah shacabka magaalada Laascaanood oo markaa saarnaa baabuur uu kaga baxayo magaalada ayaa waxa uu shabakadaafnugaal.com u sheegay in ay tani tahay nasiib darro wayn uuna magaalada kusoo noqonayn inta ay tahay sidan oo aan lagu noolaan karin.
Dadka magaalada ayaa cabsi wayn ku keentay labada ciidan ee isku kulaalaya magaalada dacaladeeda waxaana dadku ay hadal hayaan sida wayn ay utaabtay dagaalku ee uusan utaaban labada magaalo ee dhinacyada ka xiga sida Garowe iyo Burco.
Waxaa la xidhay dhamaanba isgaadhsiintii magaalada waxaa sidoo kale xidhan dhamaanba meheradihii suuqa iyo dhulalkii laga dukaamaysan jiray ee ay ku xidhnayd nolosha quutal duruurigu waxaana hadda cakarin dhamaanba noloashii caadiga ahayd ee bulshada ku dhaqan magalaada Laascaanood.
Mar aan wax ka waydiinay xaalada magaalada Laascaanood oday dhaqameed 87 jir oo ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood ayaa waxa uu noo xaqiijiyay inuusan waligii arag qax iyo barakac ku dhacay magaalada waxaana sidoo kale uu ku daray in uusan wax sheeko uusan ku hayn tan iyi intii la aasaasay inay tan oo kale ku dhacday.
Isku soo wada duuboo shacabaka magaalada Laascaanood ayaa si wayn uga soo horjeeda waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaana shacabku ay si wayn uhadalhayaan waxa soo socda iyo waxa dhici kara iyagoo ka faaloonaya sidoo kale waxaa arimahan barbar socda shirar iyo wada tashiyo ay lee yihiin dadka magaaladu.
Amed C/laahi Binow
Binow1@hotmail.com
info@afnugaal.com