Tartanka Xifdinka qur,aanka oo si Xasiloon uga billawday Kismaayo.
Beerdhiga 04.10.2007 11:04
Tartanka qur,aanka akhriska oo ay ka qaybgalayaan dugsiyada ugu caansan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dacwada ee Gobolka J/hoose oo Ramadaan kasta 10ka dambe qabta tartan Caynkaan oo kale ah.
Sanadkaan oo ah kii Saddexaad ee la qabanayo qur’aan akhriska oo lagu tartamayo ayaa waxaa ardayda oo aad u Da, yar ay ku tartamayaan saddonka Jus ee qur’aanka Kariimka ah qawlkii Eebe.
Waalidiin, Culumaa’udiin iyo dadwayne farabadan ayaa Masaajidka Jaamicul Qadiim ee Xaafada Calanleey si wayn uga qaybgalay Xafladii furitaanka tartanka oo lagu tilmaamay midka kaliya ee sida xorta ay Culimadu ugu qabanayaan koonfurta Soomaliya oo ku jirta gacanta Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo taageeraya dawlada Soomaaliya.
Ka qaybgalayaasha dhagaysiga tartanka qur’aan akhriska ayaa sheegay in munaasibadu ay si la mid tahay kuwii ka horeeyay oo aan la dareemin wax Cabsi ah waxaana sabab looga dhigayaa Magaalada Kismaayo oo Dawlada Soomaliya aysan xukumin ayna gacanta ku hayaan odayaal beeleed isugu jira kuwa la dhacsan siyaasada C/laahi Yuusuf iyo kuwo taageera Maxkamadaha islaamka balse isku raacsan waxa loogu yeero qabyaalada.
Gababagabada tartanka ayaa la filayaa in Hadiyado iyo abaalmarino la siiyo ardada oo si aad u soo dadaalay sanadkaan ayna sodoonka Jus u tartamayaa caruuur ka yar 14 sano taas oo farax galisay dadawaynaha.
Tartanada Noocaan oo kale ah waxaa lagu waynaynayaa qur’aanka kariimka Maadaama lagu jiro Bishii uu eebe soo dajiyay ee Ramadaan gaar ahaana 10ka u dambeeyay oo lagu tilmaamay in uu ku jiro Habeenka Leylatul Qadar-ka
Dhinaca kale dablay hubaysan ayaa weerar ku qaaday Xalay gaari uu leeyahay Mareeyaha Garoomka diyaaradaha kismaayo Maxa’uud Cali shire oo marayay xaafada iskufilan ee Kismaayo.
Dhaawac ayaa waxaa uu soo gaaray darawalkii gaariga waxaana lagu waramayaa in kooxda falka gaystay oo aan la garanayn ay suurtagal tahay in ay ku raad joogeen nin wakiil u ah Ciidamada itoobiya oo inta badan gaarigaas kaxaysta balse markaa ka dagtay oo u dhiibay darawal kale.
Magaalada kismaayo waxaa ku soo badanayaa falalka abaabulan ee habeenkii dhaca mana aysan ka hadlin ilaa iyo iminka duqayda beesha gacanta ku haysa.
Tartanka Xifdinka qur,aanka started in Kismayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 1267 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 5 Replies
- 883 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 1 Replies
- 503 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 192 Views
-
Last post by canood
-
- 1 Replies
- 771 Views
-
Last post by abuu_dujaana
-
- 15 Replies
- 3235 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 0 Replies
- 328 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 221 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 1 Replies
- 450 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer