
Exclusive News:Ciidamada Itoobiyaanka o baadi goob ugu jira Meydadka askar looga dilay dagaalkii Habeen hore.
Posted to the Web Oct 04, 14:36
Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa ka bilaabay deegaanada Shiir Kolle ee Xeradii Guul Wadayaasha howlgalladii ugu ballaarnaa kuwaasi oo ay ku baadi goobayeen meydadka askar la sheegay in looga dilay dagaalkii dhawaan ay la galeen kooxaha hubeysan ee ka dhacay agagaarka Wasaarada gaashaan dhigga.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa qaar kamid ah shacabka deegaanadaasi waxaa ay weydiiyeen in ay so sheegeen hadi ay arkaan wax meydad ah iyadoona sidoo kale ay baaritaano ku sameeyeen goobaha aan la marin ee deegaanadaasi.
Ilaa 2 askari ayaa la sheegaya in ay ka maqan yihiin Ciidamada Itoobiya kuwasi oo loo badinayo in ay kamid ahayeen tiro ka badan 8 askari oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo lagu dilay halkaasi.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ay aad uga xumaadeen falkaasi lagu khaarijiyay askarta iyagoona wacad ku maray in aysan meelna uga hari doonin kooxda Hubeysan ee Al Shabaab kuwaasi oo sheegtay weerarkaasi.
Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa bayaan ay internet-ka soo dhigeen waxaa ay ku sheegteen masuuliyada weerarkaasi iyagoona sheegay in 10 askari oo Itoobiyaan ah halkaasi ay ku dileen balse ma sheegin wax afduubasho ah.
Xafiiska wararka soomaalinews.com,Muqdisho.
