Islamic courts back in jubbada dhexe
Posted: Sun Oct 07, 2007 9:54 am
Ciidamadii Maxaakiimta Oo Dib Isku Abaabulay Soona Galay Bu'aale
(Bu'aale}7.10-7
“Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxay Maleeshiyo aad u hubeysan oo dhowaan soo gaadhay Degmada Bu'aale ee Gobolada Jubada Dhexe, kuwaasoo la sheegayo in ay yihiin Xoogagii Maxkamadaha oo xilligan yihiin kuwo aad u hubeysan.
Wararka haatan laga helayo Magaalada Bu'aale ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkan oo ku hubeysan baabuurta dagaalka ay soo galeen saqdii dhexe, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay Degmadaas iyo harareeheeda.
Sida ay ku waramayaan goob joogayaal ku sugan Bu'aale ayaa waxay xaqiijinayaan in Ciidamada oo lagu soo daabulay gawaadhida xamuulka iyo kuwa qoryaha lagu rakibo ay durba dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaas, iyadoo aan la ogeyn iminka tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay yihiin kuwo dhowaan tababar uu ugu socday dhulka Keymaha fog fog ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo oo taabacsan Maxkamadihii Islaamiga, ma cada cida hogaamineysa,
waxaase jira warar kale oo iyana tilmaamaya in Xoogagan uu horkacayo Sheekh Xasan Turki oo dhowaan ka soo hor muuqday TV-ga Al-jazeera, kaasoo uu ku sheegay in ay dagaal la geli doonaan Ethiopianka.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe
....Widhwidh Online News Desk..media