Shaqaalahii dabadhailifyada ee TFG oo naftooda la cararay...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Shaqaalahii dabadhailifyada ee TFG oo naftooda la cararay...

Post by adanboy »

"waa kala carareen cid timid ma lahan, waa ka carareen hoteeladaas ayay ku jiraan garsoorkii kalana waa dayacanyahay oo meel uu maro ayuu la'yahay" ---Mid ka mid ah garsoorayaasha DFKMG ah Laughing Laughing Laughing

C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) kana mid ahaa Garsoorayaasha ugu qaabilsan DFKMG ah Maxkamada Sare Ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Shir Jaraa?id oo uu ku qabtay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir iska Casilay xilkii Garsoornimo ee uu ka hayay Maxkamada Gobolka Banaadir.
a
C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) ayaa sheegay in ay arintani ku dhalatay ka dib markii uu hanjabaadyo farabadan kala kulmay kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga isla markaana ay ku wargaliyeen in uu xilkaasi iskaga tago haddii kale uu la kulmi doono cawaaqib fool xun.

C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) ayaa kaloo sheegay in uu go?aansaday ka dib markii la dilay qaar ka mid ah Mas?uuliyiintii Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee Gobolka Banaadir gaar ahaan ku-xigeenkii xeer ilaaliyaha DFKMG ah C/Qaadir Maxamed Sheekh Yuusuf iyo waliba Gudoomiyihii Maxkamada Heliwaa C/Qaadir Maxamed Warsame, isla markaana sida uu xusay gudoomiyihii maxkamada hodan ay u suurto gali wayday in uu si nabad galyo ah ku sii joogo gurigiisa isla markaana sida uu hadalka u dhigay uu ku suganyahay qeyb ka mid ah degmada xamar weyne.

C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) ayaa shirkiisa jaraa?id ku yiri ?maanta oo ay Taariikhdu tahay 08/10/2007 Maxkamada Gobolka Banaadir Xarunta Weyn Al-Baabada ayaa xiran lagama shaqeyn maanta, sababtoo ah waxaa dhacday in Garsoorayaashii Qaranka Soomaaliyeed ay dil ku bilaabeen dadkii wax dili jiray ilaa iyo hadda waxaa nalaga dilay Ku-Xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud allaha ha u naxariistee ee Qaranka Gobolka Banaadir Dr. C/Qaadir Maxamed Sheekh Yuusuf oo Aayatulaahi ku magac dheer allaa yarxamuhu, waxaa kale oo la dilay Gudoomiyihii Maxkamada Degmada Heliwaa,Sheekh C/Qaadir Maxamed Warsame,allaha u naxariisto, waxaa kale oo cabsi u soo qaxay Gudoomiyihii Maxkamada Degmada Hodan oo Gurigiisii iyo Ilmihiisii ka soo tagay iyo maxkamadii uu ka shaqeynayay gudoomiyayaashii kale xafiisyada in ay seexdaan ayay hadda marayaan, iyo in ay qaarkood hoteelo aysan awood u lahayn iska bixiyaan oo ay galaan,?

Bukhaari ayaa sidoo kale ku calaacalay in garsoorayaasha maxkamada gobolka banaadir mudo 9 bilood aysan qaadan wax gunooyin iyo mushaar ah, isla markaana haddii la bartilmaameedsanayo ayaga oo aan qaadan wax mushaar ama gunooyin ah, sidaas darteed uu iskaga casilay xilkii Garsoornimo isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa hadaladiisa ka mid ahaa ?9 Bilood Garsoorka wax ma qaadan wixii musharaad iyo guno ahaana ma qaadan,iyada oo ay dhibaatadaas jirto ayay haddana ku beer adeygayeen oo ay ku shaqeynayeen, haddana waxaa yimid dil iyo cabsi sidaa darteed qof waliba meeshii uu madaxa la gali karay ayuu madaxa la galay waa la iskaga huleelay marka sidaas ayaan shaqooyinkii oo dhan iskaga wada huleelnay?

Mar ay saxaafadu wax ka weydiisay C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) inta hadda shaqadooda wadata ee joogta maxkamada ayaa waxa uu yiri ?waa kala carareen cid timid ma lahan, waa ka carareen hoteeladaas ayay ku jiraan garsoorkii kalana waa dayacanyahay oo meel uu maro ayuu la?yahay magaaladaan, sidaa daraadeed Booliiskii ilaalinayay maxkamada waa imaan waayeen?

Hadalkan C/Qaadir Maxamed Nuur (Bukhaari) ayaa ku soo beegmaya xili xafiisyo badan oo ka tirsan DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ay al-baabada u sii xirmeen waxaana ilaa iyo hadda aan shaqayn hal xafiis oo ay dowladu leedahay marka laga reebo kuwa garoonka, dekada, iyo argagixiso la dagaalanka.

Col shaati guduud ayaa ahaa ninkii ugu dambeeyay ee ka tirsan golaha wasiirada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga isla markaana u qaabilsanaa dhinaca maaliyada oo ku calaacalay in aan waligii hal shilin uusan arag xafiis kursi iyo miis yaalana uusan lahayn sidaa awgeedna aysan shaqeyn waxa uu ku tilmaamay Dowlada oo ay tahay oo kaliya magac.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: Shaqaalahii dabadhailifyada ee TFG oo naftooda la cararay...

Post by adanboy »

Afgooye Laughing Laughing

Afgooye: Taliye ku xigeenkii Asluubta Afgooye oo is casilay, maxay tahay sababta uu xilkaasi isaga dhigay?
8. Oktober 2007

APL


Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan

Afgooye(AllPuntland)- Gaashaanle Sharma’arke Xaashi Dhabaney oo ahaa Taliye ku xigeenkii ciidanka Asluubta ee degmada Afgooye ayaa galabta si cad u sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey sababo la xariira hanjbaadyo ugu yimid kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

Taliye xigeenka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Afgooye ayaa sheegay inuu dhawaan ka badbaaday fal isku day dil oo ay u geysanayeen kooxaha geysta dilalka qorsheysan kuwaasoo hanjbaad iyo fariiman u soo diray oo ay ku sheegeen in qudha laga jari doono hadii uusan ka tanaasulin xilka uu u haayo dowladda sidaa daraateedna ay danta ku kaliftay sida uu sheegay inuu lafahiisa badbaadsado.

Arintan ayaa ku soo beegantay xili saacado ka hor uu sidoo kale xilkii iska casilay mid ka mid ah garsoorayaashii maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. C/qaadir Axmed Nuur “Bukhaari” oo isna sheegay inuu isu casilay cabsi uu ka qabo in ay dilaan kooxaha geysanaya weerarada qorsheysan ee lala beegsanayo mas’uuliyiinta xilka u haya dowladda Federaalka.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in kulan maanta ay yeesheen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha Gare ayaa eedeyn u jeediyay maamulka degmada Afgooye iyo guddiga samafalka gobolkaasi kadib markii ay sheegeen waxgaradkaasi in la duudsiiyay raashin gargaar ah oo ay xaq u lahaayeen in la gaarsiiyo 20 tuulo oo beeshaasi ay degto la hareer marsiiyay iyadoo la geeyay degmada Ow-Dheegle ee isla gobolkaasi.

Waxgaradkan ayaa ugu digay guddiga samafalka iyo hey’addaha gargaarka in tallaabo cad ay ka qaadi doonaan hadii aysan jawaab ka bixin arintaasi iyadoo ay sheegeen in raashinkaasi lagu shubay bakhaaro ku yaala degmada Ow-Dheegle ee gobolka Sh/Hoose.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”