Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Oo Beeneeyay In Ethiopia Ay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Oo Beeneeyay In Ethiopia Ay

Post by XidigtaJSL »

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Beeniyay In Ethiopia Ay Wada Hadalsiinaysay Puntland

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Ethiopia,ay ugu yeedhay sidii ay u wada hadashiin lahayd Somaliland iyo Puntland.



Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland,waxa uu sidaas ka sheegay markii ay isaga iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane Cawil Cali Ducaale,ay galabta ka soo dageen madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ,ka dib markii ay soo dhamysteen Socdaal qaatay muddo shan cisho ah,oo ay ku tageen Ethiopia.



Wasiirka Khaarajiga Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale,oo qolka nasashada Saxaafada ugu waramayay,ayaa socdaalkooda Ethiopia ku sheegay mid la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada wadan iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xaalada ka jirta mandaqada gobolkan.



“Waa socdaaladii caadiga ahaa ee aanu ku tagi jirnay Ethiopia ayuu kan aniga iyo Wasiirka Maaliyaduna qeyb ka ahaa,waana in mar walba la sii adkeeyaa xidhiidhka dhinacyada badan ee Somaliland la leedahay dawlada wadanka Ethiopia,masuuliyiintii aanu kulanay waxa aanu isla soo qaadnay arimahaas iskaashi,ee keena gaarka ah iyo ka mandaqadaba ku saabsan”ayuu yidhi Wasiirku.



Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas raaciyay “Waxa aanu kulanay Wasiiruldawlaha Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya oo ah saaxiibka Somaliland,wuu maqnaa Wasiirkii Arrimaha dibadu,waxase aanu la kulanay hawl-wadeeno sar sare oo ka tirsan wasaarada”.



Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale,waxa uu sheegay in ay maanta intii aanay ka soo kicitimin Ethiopia ay Kulamo la yeesheen Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya iyo saraakiil ka socday Safaarada Britian ee Ethiopia,hase yeeshee faahfaahin intaasi ka badan kama uu bixin waxyaabihii ay ka wada hadleen danjireyaashaasi.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu beeniyay inay wax wada hadal ah yeesheen masuuliyiin ka socday puntland,waxana uu yidhi “Waxba kama jiraan wararka la iska qorqoray,waana nasiib darro in haddii meel loo dhaqaaqaba la yidhaahdo Imbegaati ama Puntland ayaa lala kulmayaa,ma jirin arrintaasi Addis-ababa waa magaalo caasimad ah oo cid waliba danaheeda u imanayso,wax aan ahayn sii xoojinta cilaaqaadka labada dal kalama aanu hadal masuuliyiintii aanu la kulanay”.

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Oo Beeneeyay In Ethiopia Ay

Post by XidigtaJSL »

Punaanilander warlord Dhuxul Muuse and his entire cabinet are in Addis to complain to papa Melez about the way Somaliland forces bytch-slapped his rag tag militia in Laas Caanood Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”