




alla nimanku maxay is ceebeyeen
ummada uu dhan darood bay moodeen uu tigray uu yeedhayaa

bal ila qosla uu maqaaalka akhiriya

Lix Sarakaal oo Eritrean ah oo Soo Gaadhey Goobaha ay Ku Sugan Yihiin Maleeshiyaadka Daahir Riyaale
Oct 10, 2007 By:Xigasho Xargaga.com
Wararka naga soo gaaraya jiida hore ee Degaanka ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyada Daahir Riyaale iyo Ciidamada Daraawiishta ee Maamulka Puntland,ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Saraakiil Ka Socota Dawlada Eritrea Saraakiishan ayaa Kormer iyo indha indhayn ku soo galay Jiida ay fadhiyaan.
Wararka naga soo gaaraya jiida hore ee Degaanka ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyada Daahir Riyaale iyo Ciidamada Daraawiishta ee Maamulka Puntland,ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Saraakiil Ka Socota Dawlada Eritrea Saraakiishan ayaa Kormer iyo indha indhayn ku soo galay Jiida ay Ciidamadaasi isku hor Fadhiyaan,saraakiishan ayaa la sheegayaa in ay ka soo kicitimeen Tuulada Beer oo ay ku taalo xero Tababarada lagu siiyo Maleeshiyaad gaar ah oo ay leeyhiin Ururka Dib u Xoraynta iyo Dib u soo celinta Jamhuuriyada Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degaanka Yagoori ayaa u waramay Shabakada Xargaga Online ayaa sheegay in ay indhahooda Ku arkeen saraakiisha Eritrea ee kormeerka ku yimid Jiida ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Daahir Riyaale saraakiishan ayaa tiro ahaan lagu sheega lix,kuwaasi oo wata tuutaha dalka Eritrea isla markaasina wax cabsi ah qabin wateyna baabuur Nooca qafilan ah ee loo yaqaano landcuruser.
Saraakiishan ayaa la sheegay in ay riboot ka qaateen Hor joogayaasha maleeshiyaadka Daahir Riyaale,lama Garanayo mudada ay joogi doonaan jiida hore saraakiishani,waxaase la sheegayaa in ay sahan u yihiin Ciidamo Eritrean ah oo la sheegay in lagu Soo biirin doono Maleeshiyaadka Daahir Riyaale eek u sugan Gudaha Gobolka Sool..
Waxaa jira iyana warar kale oo sheegaya in ay Magaalada hargeysa ku sugan yihiin Mas'uuliin ka tirsan Ururka Mucaaridka ah ee Dhowaan Looga Dhawaaqay magaalada asmara ee xarunta dalka Eritrea ragan oo aan magacooda la shaacin ayaa la Sheegayaa in ay kulamo la qaateen Daahir Riyaale,Wasiirkiisa Gaashaandhiga iyo Kan arimaha Dibeda.
Daahir Riyaale ayaa la sheegay in uu diiday Casuumad uga timid dhinaca Ethiopia isaga oo ka cudur Daartay tegitaanka Magaalada Addis-Ababa maadaama ay kulamo la lahaayeen Mas'uuliin ka tirsan Ururka Mucaaridka ee Dhowaan looga Dhawaaqay magaalada Asmara.
Warar hoose oo aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele sameeyey isku xidhka Mas'uuliinta Ururka Mucaaridka ah ee Dhowaan Looga dhawaaqay Asmara iyo Xukuumada Daahir Riyaale,ka dib markuu Daahir Riyaale iyo Ismaaciil Cumar Geele Dhex Maray xiriir dhinaca Telephonka Mr.Geele ayaa Riyaale u soo ban dhigay Barnaamij Suurta gelinaya gooni isu taagan Soomaliland.
Arintan ayaa la sheegayaa in Maamulayaasha hargeysa u arkeen in ay tahay fursad qaali ah oo aan dib loo arki doonin,tanina Waxay daah furtay in tuulada Beer laga siiyo Ururka Mucaaridka Xero ay ku tababartaan Maleeshiyaadka ay doonayaan in ay Dagaalka kula galaan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
xigashi-xargaga.com