ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE

Post by The_Emperior5 »

Axmad Cabdi Xabsade oo ka goostey MG Puntland
10 Oct 10, 2007 - 8:48:24 AM



Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmad Cabdi Xabsade uu gaarey maagalada OOG ee degmada Caynaba ee gobolka Sool halkas oo saldhig u ah maamulka Somaliland.

Axmad Cabdi Xaabsade ayaa degaanka OOG kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan Somaliland iyada oo wararku sheegayaan in uu ka soo goostey MGPL.

Wasiirka Wasarada Gashaandhiga Somaliland Cabdulahi Cali Ibrahim ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Axmad Cabdi Xabsade uu ku sugan yahay degmada OOG balse ka gaabsadey in uu wax faahfaahin ah ka baxsho imaanshihiisa.

Cabdulahi Cali ibraahim ayaa xusey in Xaabsade kulamo la yeeshay wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Maxamad Axamad (Cali Sandule) [Jaanibka tageersan Somaliland] ayaa mar uu la hadlayey BBC-da laanteeda Af Soomaliga u sheegey in Xaabsade Puntland ka soo goostey kadib markii labo jeer jidka isku xira Garowe iyo Laascaano rasaas ku rideen ciidamada Puntland halkas oo naftiisu khatar gashay.

Wasiirkii hore ee PL ayaa marka uu ka soo baxayey Lascano ka soo waregay dhinaca Howdka isaga oo ka weecday goobta ay isku horfadhiyan labada ciidan.

Xabsade ayaa horey loogu eedeyay in Lascaano soo galiyay ciidamo beledyo tagersan Somallind balse sheegey in waxba ka jirin arinkaas isla markaana sheegey in uu yahay odey reer Puntland ah.

Xabsade ayaa inta uusan xilalka Wasiirnimo ka qaban maamulka Puntland noqdey intii u dhexeysay 1993-1996 Gudomiyaha Aqalka Wakiilada maamulka Somalialnd.

Garowe Online,Garowe
SLEW_DEM
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1223
Joined: Mon Jul 30, 2007 11:34 am
Location: YA MUMS YARD YA UNDERSTAND

Re: ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE

Post by SLEW_DEM »

Been Laughing

Axmed Cabdi Xaabsade oo Laascaanood dib ugu soo laabtay ka dib kulamo uu laqaatay Somaliland..

Warkii 10-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal
Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga dowlad goboleedka Puntland Axmed cabdi xaabsade ayaa dib ugu soo laabtay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ka dib markii uu wada hadlo kula yeeshay deegaanka oog oo ka tirsan degmada caynaba ee gobolka Sool xubno ka tirsan maamulka Somaliland ..


Axmed Cabdi Xaabsade oo la sheegay in uu ka soo guureeyey xarunta Puntland ee garoowe ka dib markii ay fashilmeen wada hadalo indhowaaleba usocday isaga iyo madaxda puntland ayaa wadahadalo aan ilaa hada la ogayn waxa ay ku saabsanaayeen kula yeeshay deegaanka oog xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Somaliland .

Xubnaha Somaliland ee xaabsade kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaalada ee Maamulka Somaliland Axmed Xassan Cali Casoowe iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee maamulka magaalada hargaysa

Xaabsade oo ay saxaafada qaarkeed maanta qoreen inuu usii gudbay hargaysa ayaa dib ugu soo laabtay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood galabta goor gaaban isaga iyo saraakiil ka mid ah ciidamo beeleedyo ka soo jeeda deegaanka iyo waliba xildhibaan dhakool oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ,wararka qaar ayaa sheegaya in xaabsade uu maalmaha soo socda booqan doono magaalada buuhoodlle ee xarunta gobolka Cayn ..

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga Puntland axmed cabdi xaabsade ayaa khilaaf ba'an soo kala dhexgalay isaga iyo hogaan sare ee puntland ka dib markii madaxwayne cadde muuse uu xilka ka qaaday dhowr bilood ka hor , taas oo keentay in xaabsade uu isaga soo baxo xarunta Puntland isagoona olole siyaasaded ka bilaabay magaalada Laascaanood oo uu ka soo jeedo

Dowlada puntland ayaa Axmed Cabdi xaabsade ku eedaysay in uu ka danbeeyey abaabulka maleeshiyo beeleedyo isku urursaday koonfurta Laascaanood kuwaas oo sheegay in ay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamada puntland ee gobolka Sool eedayntaasi oo uu xaabsade beeniyey ..

Wararka iyana naga soo gaadhaya garoowe ayaa sheegaya in xalay is rasaasay ay ku dhexmartay gudaha magaalada garoowe ilaalada Xaabsade iyo qaar ka mid ah ilaalada madaxtooyada puntland israsaasayntaas oo aan cidi wax ku noqon ,lama garanayo ilaa hada waxa keenay is rasaasaynta xalay ka dhacday garoowee wallow wararka qaar sheegayaan in ay qayb ka tahay khilaafka xaabsade iyo puntland
User avatar
MJ-Pride
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8362
Joined: Tue Mar 13, 2007 8:16 pm
Location: ^Removing the fake Cimaamad and shaving the fake beards of these thugs

Re: ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE

Post by MJ-Pride »

Who cares about the Warlord. He doesnt represent Dhulbahantes. I wish Ciise Riyoole had killed that qurjiiile. The coward run Abdi bille style all the way to Caynaba when some random ciise riyoole opened fire...
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE

Post by The_Emperior5 »

gorowe online is my source puntland website


adna afnugaal baad la timid

uu dhulbahante cuqdadaysan leeyihiin
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”