ITS OFFICAL XAABSADE ON SOMALILAND SIDE
Posted: Wed Oct 10, 2007 4:10 pm
Axmad Cabdi Xabsade oo ka goostey MG Puntland
10 Oct 10, 2007 - 8:48:24 AM
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Puntland Axmad Cabdi Xabsade uu gaarey maagalada OOG ee degmada Caynaba ee gobolka Sool halkas oo saldhig u ah maamulka Somaliland.
Axmad Cabdi Xaabsade ayaa degaanka OOG kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan Somaliland iyada oo wararku sheegayaan in uu ka soo goostey MGPL.
Wasiirka Wasarada Gashaandhiga Somaliland Cabdulahi Cali Ibrahim ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Axmad Cabdi Xabsade uu ku sugan yahay degmada OOG balse ka gaabsadey in uu wax faahfaahin ah ka baxsho imaanshihiisa.
Cabdulahi Cali ibraahim ayaa xusey in Xaabsade kulamo la yeeshay wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Maxamad Axamad (Cali Sandule) [Jaanibka tageersan Somaliland] ayaa mar uu la hadlayey BBC-da laanteeda Af Soomaliga u sheegey in Xaabsade Puntland ka soo goostey kadib markii labo jeer jidka isku xira Garowe iyo Laascaano rasaas ku rideen ciidamada Puntland halkas oo naftiisu khatar gashay.
Wasiirkii hore ee PL ayaa marka uu ka soo baxayey Lascano ka soo waregay dhinaca Howdka isaga oo ka weecday goobta ay isku horfadhiyan labada ciidan.
Xabsade ayaa horey loogu eedeyay in Lascaano soo galiyay ciidamo beledyo tagersan Somallind balse sheegey in waxba ka jirin arinkaas isla markaana sheegey in uu yahay odey reer Puntland ah.
Xabsade ayaa inta uusan xilalka Wasiirnimo ka qaban maamulka Puntland noqdey intii u dhexeysay 1993-1996 Gudomiyaha Aqalka Wakiilada maamulka Somalialnd.
Garowe Online,Garowe