Page 1 of 1

Eid prayer in Kismayo. Sheykh Mohamed Facaye leads prayer.

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:19 am
by Alta Vista [Bot2]
http://gargaar.net/news/images/sawirka% ... yo.psd.jpg

http://gargaar.net/news/images/ciida%20 ... psdsax.jpg

http://gargaar.net/news/images/sawirka% ... yo.psd.jpg

Qaybaha Culimada oo wadajir ugu ciiday Kismaayo.

Beerdhiga 12.10.2007 10:47



Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar Wa lillaahil Xamdu.
ÊÞÈá Çááå ãäÇæãäßã ÕÇáÍ ÇáÇÚãÇá.
ßá ÚÇã æÃäÊã ÈÎíÑ
Ciid Wanaagsan

Boqolaal kun oo dadwayne ah ayaa maanta Magaalada Kismaayo kaga qaybgalay Oogida salaada ciidul fidriga oo maanta looga dabaaldagayo dunida Muslimka.

Qaybaha kala duwan ee Culimada Magaalada kismaayo ayaa isku raacay oogida saalada marka laga reebo laba Masaajid waxaana ay dadwaynuhu soo dhaweeyeen sida aqlabaiyada dadka ay isugu raaceen aragtida Bisha Soonfur.

Masaajidayada ugu waa wayn ee maanta laga tukaday ayaa waxaa ka mid ah, jaamucul Qadiim, Xareed yaroow, Xaaji Jaamac, Suuq Yaasiin, Cali Mukulli, Al-Hudaa, Jaamicada, Baajuunta Bashiir Yaroow, waxaana ay masaajidaan gacanta ugu jiraan qaybaha kala duwan ee Culimada.

Sheekh Maxamed Facaye oo ka mid ah culimada Suufiya ee Kismaayo sida aadka ah looga qadariyo ayaa shaaca ka qaaday in aysan kooxo kala duwan oo muslimiin ah oo culimadu ay yihiin hal Saf.

Shiikha oo ka hadlayay Masaajidka Sheekh Cali Mukulli ayaa cambaareeyay dilalkii dhawaan loo gaystay culimo waxaana uu sheegay in dilka wadaada uu yahay mid soo daddajiya Ciqaabta eebe loona baahan yahay in laga hor tago oo aan loo baahnayn in la kala saaro dadka xambaarsan Kitaabka Eebe.

Masjida Machadka AL-HUDAA oo dadkii ugu badnaa ay isugu soo baxeen ayaa waxaa ka hadlay Sheekh C/laahi Daa’uud oo ka digay dilalka loo gaysanayo dadka muslimiinta ah Culimo iyo Caamaba taas oo keeni karta in qofkii qof xaq darro ku dilo in uu bari ka noqdo diinta Eebe.

Kumanaan caruur ah oo faraxsan ayaa baaruud iyo bastooladu caag ah hadba dhinac u ridaya iyadoo musilimiintana ay isku marxabaynayaa Ciidul Mubaarak iyo ereyo kale oo farxadi ku dheehan tahay.

Roobab ka da’ay magaalada ayaa biyo dhigay barxadaha lagu tukunjiray Salaada ciidaha sidaa awgeed waxaa ay dadku maanta isugu tageen Masaajida xaafadaha kuwaas oo si aad ah loo bux dhaafiyay.

Inta badan khud badihii maanta ee kismaayo ayaa waxaa diirada lagu saaray falalkii lagu qaarajiyay wadaado oo uu ugu dambeeyay kii habeen hore lagu dilay Xaafada Dalcada.

Shabakadda Beerdhiga waxa ay idiin soo gudbinaysaa haddii alle idmo sida looga ciidan gobolada dalka Soomaaliya iyada ay Wariyayaasha Beerdhiga socod ku soo marayaan qeybo ka mid ah gobolada ay joogaan si ay u soo gudbiyaan sida looga Ciidan Gobolada Soomaaliya Ciida Soon Fureed

Re: Eid prayer in Kismayo. Sheykh Mohamed Facaye leads prayer.

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:25 am
by kambuli
Mashaa Allaah.... Smile Smile Smile Walaalo is jecel...

Re: Eid prayer in Kismayo. Sheykh Mohamed Facaye leads prayer.

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:27 am
by Luq_Ganane
Mashallah. Beautiful to see. Walaalo is jaceyl.

Re: Eid prayer in Kismayo. Sheykh Mohamed Facaye leads prayer.

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:28 am
by Sadaam_Mariixmaan
Mash'allah, Walalo is Jecal

Kudos to Sheekh Maxamed Facaaye

Re: Eid prayer in Kismayo. Sheykh Mohamed Facaye leads prayer.

Posted: Fri Oct 12, 2007 11:58 am
by Phd in naago kudis
are hartis allowed to pray there as well ?