Hub Ka Dhigis Balaaran Oo Lagu Sugayo Ammaanka Oo Ka Socota Magaalada Kismaayo
Oct 12,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Boqolaal ka mid ah ciidamada amniga ee maamulka gacanta ku haya gobollada jubbooyinka ayaa ka wado magaalada Kismaayo baaritaano hub ka dhigis ah oo qeyb ka ah suggida amniga magaalada.
Ciidamadan ayaa la sheegay in howlgalkooda ka fuliyey xaafadaha magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo koox koox u socdaa oo ay tageerayaan gawaarida tiknooyinka oo guri guri u baaraya sida ay sheegeen masuuliyiinta dhanka ammaanka ee u qaabilsan gobalka jubbada hoose. Howlgalkaan ay fuliyeen ciidamada aminga ayaa la sheegay in sii socon doono in muddo ah, iyada oo la soo rogay amar ah in hubka magaalada ku dhex wadan karaan oo kaliya ciidamada qaabilsan dhanka amniga.
Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo oo hawlgalada ay sameeyeen ay ka mid yihiin hubkadhigis ay ku samyeen maleeshiyooyinka hubaysan ee aan cidina ka amar qaadan oo ayaguna qeyb ka ah falalka amni darada ee marmar ka dhaca magaalada Kismaayo.
Masuuliyiinta maamulka gacanta ku haya magaalada gobollada jubbooyinka oo shirar isdaba joog ah u fadhiyay ayaa qaar ka mid ahi ay sheegeen inaysan marnaba u dulqaadin doonin kooxaha doonaya inay khalkhal galiyaan amniga iyo wado degaanasha magaalada, ayna dhowaana soo saari doonaan talaabooyin si rasmi ah loogu soo afjarayo dhibaatooyinka salka u ah colaadaha dabo dheeraaday ee in muddo ka jiray gobollada jubbooyinka.
Dhanka kale, masuuliyiinta ku sugan magaalada Buaale ee gobalka jubbada dhexe oo ka warbixiyey weerar baasuke ah oo lala beegsaday baabuur ka yimid magaalada Kismaayo oo shalay ku sii jeeday magaalada Baardheere ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilka soo gaaray labo qof oo shacab ah oo ka mid yahay milkiilahii gaariga la weeray, ayna wado xaajood la bilaabayaan ehelada labada qof ee dhimatay oo ku sugan magaalada Baardheere.
Masuulkan ku sugan magaalada Buaale ayaa marka hore u tacisiyeey eheladii labadii qof ee geeriyootay, sidoo kale sheegayna in kooxahii falkaan geystay ay iyaga oo kaliya ay ka masuul yihiin oo shacabka magaalada Buaale ay raali ka aheyn talaabooyinka noocaan oo kale oo wax u dhimaya xiriirka ka dhaxeeya beelood.
GEDO-NN-Kismaayo News Desk
Hub Ka Dhigis Balaaran Oo Lagu Sugayo Ammaanka Oo Ka Socota
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 20 Replies
- 1346 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 544 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 10 Replies
- 513 Views
-
Last post by Gabre
-
- 0 Replies
- 347 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 16 Replies
- 1335 Views
-
Last post by MASKIINA
-
- 1 Replies
- 8923 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 0 Replies
- 445 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 2 Replies
- 565 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 0 Replies
- 456 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 0 Replies
- 274 Views
-
Last post by FBISOMALIA