Hadii Khifaalku sii Xoogaysto Waxaa Laga Yaabaa In Dib Loogu

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Twisted_Logic
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists

Hadii Khifaalku sii Xoogaysto Waxaa Laga Yaabaa In Dib Loogu

Post by Twisted_Logic »

Raysal wasaaraha Dawlada Federaalka ah e Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa Xalay mar uu saxaafada kula hadlayey Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay oo Fariisin u ah Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ka dhawaajiyey in hadii Khilaafku sii xoogaysto ay dhici karto in dalku dib ugu laabto dagaalo sokeeye oo lagu Hoobto,Geedi ayaa muujiyey in khilaaf jiro hase yeeshee aan faahfaahin.

Prof.geedi ayaa baaralamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay ka Shaqeeyaan cadaalada isla markaasina ay u hiiliyaan sharciga,Prof. geedi ayaa ka hadlayey Munaasibad ay fadhiyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaliya iyo qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada oo ay ugu horeeyaan kuxigeenadiisa.

Dhinaca kale khilaafka ka dhex aloosan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u Muuqda mid sababi kara burbur ku yimaada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo Taas bedelkeeda laga yaabo in dib loogu laabto dagaaladii sokeeye ee shacabka Soomaaliyeed ragaadiyey mudad dheer.

Geedi ayaa mar kale ka digay dib ugu noqosho dagaal sokeeye isaga oo yiri dawlad xun Dawlada la'aan baa dhaanta ,"anigu ma ahai nin xaq daro wax ku doonaya"ayuu yiri Prof.Cali Maxamed Geedi.

Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee Dawlada ayaa sababi kara burbur iyo in lagu kala Dhaqaaqo maamulkii lagu soo dhisay wadanka Kenya caasimadiisa Nairobi

http://www.jowhar.com/news/index2.php?readmore=2003
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”