BANAANBAX PEACE FOR DEAL WITH BROTHERS XAWAADLE MURSADE
Posted: Sun Oct 14, 2007 9:44 am
Banaanbax lagu taageerayo heshiiskii beelaha Xawaadle iyo Murusade ay ku gaareen Ceelbuur oo maanta ka dhacay bartamaha B/weyne
Banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal qofood oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada. laguna taageerayey heshiiskii maalin ka hor ay ku gaareen waxgaradka beelaha Xawaadle iyo Murusade degmada Ceelbuur kaasoo lagu soo afjaray dagaaladii labada beelood dhowaan ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada B/weyne ee gobolka hiiraan.
Dadka banaanbaxayey oo isugu jiray haween caruur iyo rag intaba ayaa ka kala yimid xaafadahada ay ka kooban tahay magaalada B/weyne, iyagoo socod nabadeedna ku soo maray wadooyinka dhexmara magaaladaasi, kaasoo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin in la soo afjaray heshiisna laga gaaray dagaaladii lagu riiqmay ee dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Murusade, waxaana dadweynahan ay ugu dambeyntii ku soo urureen xarunta maamulka ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen mas’uuliyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
Siyaasiga Cabdi Cabdulle Qujuc oo ka mid ah siyaasiyiintii ka qeyb gashay shirkaasi nabadeed ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Ceelbuur oo ka hadlay dibed baxaasi ayaa ka waramay marxaladihii uu soo maray shirkaasi, isagoo xusay in labada dhinac ay dhexmareen wadalahadalo si weyn loogu lafa guray dhibaatadii iyo dagaaladii dhexmaray labada beelood ee xawaadle iyo Murusade, isagoo hase ahaatee xusay in ugu dambeyntii labada beelood ay ku guuleysteen iney heshiis nabadeed isla gaaraan iskana iloobaan wixii horey u dhacay.
Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa oadaayshii dhaqanka ee ka qeyb gashay shirkaasi nabadeed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beelaha gobolka iney nabad ku wada noolaadan kana shaqeeyaan dib u heshiisiinta iyo isdhex galka bulshada, waxaana sidoo kale banaanbaaxaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo beelaha gobolka kula dardaarmay iney noqdaan sida far mid ah, waxaaba banaanbaxaasi uu ku soo dhamaaday jawi naabdgelyo iyo farxad.
Xafiiska wararka ee Baydhabo, Soomaliya
dayniilecom@hotmail.com