http://www.hobyoradio.com/10,13,71Ciid.htm
Watch PICs..
------------------------------
Madax weynaha Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State Oo Hanbalyo Udiray Shacaka reer GalMudug Munaasabda Ciida Awgeed., iyo Gaalkacyo oo si weyn looga Ciiday.Daawo sawirada
Oct,13,2007 www.Hobyoradio.com
Madaxwynaha dawlad goboleedka Gal-Mudug State danjire Max'ed warsame Cali kiimiko ayaa Hanbalyo udiray dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gal-mudug munaasabada ciidul fidrigi oo maalinkii labaad umada muslimiinta ah udabaal dagayaan dunida oo dhan.
Madaxweyne.Prof.kiimiko oo ku sugan magaalda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka ayaa shacabka reer Gal-mudug Hambalyo farxadleh usoo mariyay warbaahinta idaacada codka mudug ee magaalda Gaalkacyo. madaxweynaha oo hadalkiisa laga dareemayay farxad weyn markii uu si toos ah uga qudbaynayay idaacada oo qadka teleefonka ku hadlayay ayaa reer Galmudug urajeeyay ciidaan ciideeda kale in ay ku gaaraan bash bash barwaaqo iyo horumar ay ku tiigsadaan
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay nabad galyada deegaanada Gal-Mdug State waxa uu madaxweynuhu xusay in nabd lagu gaari karo iskaashi iyo wada shaqayn dhex marta dhamaan wax garadka culimaa u'diinka,dhalinyarda iyo haweenka.
Waxa uu madaxweynuhu soo hadal qaday shirka ka socda degmada Bandiiradley oo looga hadlayo nabada galyada deegaanda Gal-mudug State oo madaxweynuhu sheegay inuu rajaynayo in ay ka soo baxaan qodobo nuxur iyo wax ku ool ah oo( waxaan ugu baaqayaa wax garadka iyo odayaasha ku shiraya Bandiiradleey in ay dar dar galiyaan shirka oo aysan ka caajisin) ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay idaacada codka mudug oo qudbada uu ka duubay agaasimaha idaacada Mudane Cilmi kulan Geedi si kastaba ha ahaatee shacabka Gal-mudug ayaa waxaa laga dareemayaa farxad weyn oo ah dabaal daga ciidul fidriga oo maalinkii labaad si weyn looga dabaal dagayo dhamaan deegaanda dawlada goboleedka Gal-Mudug
Sheekh Ilka Dahab iyo Sheekh Cali Afyare oo Wacdiyo iyo Takbiir maalinta Ciidul Fidriga ee magaaladda Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo oo Maalinkii labaad laga ciiday ciidul fidriga
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta dawld goboleedka Gal-Mudug State ayaa maalinkii labaadf waxaa daweynaha ku dhaqni ku ciideen si farxad leh ayudoo maalinimadii shalay ay dad bani oo reer Gaalkacyo ah maanta ku tukadeen barxada ugu weyn Gaalkacyo ee Sheekh ilka dahab
Erayo takbiir ah oo ay ku muujinayeen waynaanta ALLAAH ayaa waxay ku kala tukadeen salaaddii cuudul fidrig barxadda Sheekh Ilka dahab,iyadoo dhinaca garoonka dadweynihii ku tukday oo hadal nabad galyada iyo midnimada dadweynaha gobolka xoogga
Barxada oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal dad ah ayaa iskugu hanbalyaynayay ciida ayaa dadkii ku tukaday waxaa hadal qiiro diineed oo aad u qoto dheer xambaarsanaa waxaa u jeediyay sheikh cali axmad Iidle sheikh Cali Afyare oo aad ugu dheeraaday waajibaadka qofkasta saran ee ALLAAH ka cabsiga
Waxaa kale oo uu shekhu ka hadlay arimo la xiriira nabad galyada oo uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in dhibaato ay ka abuuraan gobolka waxa uuna ugu baaqay shacabka ku nool galakcyo in ay ka shaqeeyaan sidii lagu dhamayn lahaa arimaha taagan
si kastaba ha ahaatee hadlka culimada Gaalkacyo ayaa ku soo beegamaya xili baryahan ay magaalada Gaalkacyo qaybo ka mid ah ay ka jirato nabada galyo daro sababtay dil dhac hantityadeed iyo arimo kale
Magaalada Galakcyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State ayaa Maanta si weyn looga ciiday, waxaana la isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo Dadkana Badankooda ay ku tukanayeen Masaajidda kuyaalla Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Dadweynaha Galmudug State oo si weyn isugu soo baxay Ciidul Fidriga
Shacabka ayaa kutukaday Masaajidda inkastoo ay jirtay Maanta kala qaybsanaan ku aadan in dadka qaarkood ay sooma naayeen oo ay doonayaan in ay maaliniamda bari ah ciidan hadana waxaa la oran karaa waxaa maanta Gaalkacyo ka ciidan inta badan dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda ay ka koobantahay.
Sheekh Cali Afyare oo Takbiir iyo Wacdi Ka jeedinaya Munaasabada Ciidul Fidriga
Cirka roob soo curtay Ciidul Fidriga Dadweynaha Galmudug oo isugu soo baxay Magalada Gaalkacyo.
Maanta majirin Meel kamid ah Gaalkacyo oo maamulka ka jira ay ku baaqday in Salaadda Ciidda la isugu yimaado, Ciidda Maanta ee Gaalkacyo waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd ciidii uga weynayd ee soo marta ayadoona ay ku soo aaday maalin farxadeed oo Jimca ah hadana ciid ah.
Hadii aan nahay bahda hobyo Radio waxaan leenahay dhamaan muslimiinta oo dhan ciid wanaagsan
Cabdalla Max'd cabdaille
Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,
cabdalla45@hotmail.com
Kullu Caam Wa Antum Bil Kheyr
Hobyo Radio News Media
Contact: hobyoradio@gmail.com
Reer Galmudug oo si weyn uga ciiday Magaalada Gaalkacyo..
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Dr.Galbeyte.
- SomaliNetizen

- Posts: 866
- Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
- Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.
-
Queen_MUDUG
- Posts: 32
- Joined: Thu Oct 04, 2007 5:40 pm
- Location: **:::::GMS::::::**
Re: Reer Galmudug oo si weyn uga ciiday Magaalada Gaalkacyo..
masha allah.........all late ciid wanaagsan form my Galmudug PPl love ya all the way 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 750 Views
-
Last post by Dr.Galbeyte.
-
- 0 Replies
- 889 Views
-
Last post by cabdi123
-
- 40 Replies
- 3158 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 908 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 1 Replies
- 1045 Views
-
Last post by quark
-
- 0 Replies
- 774 Views
-
Last post by daba_gaale
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 5 Replies
- 1772 Views
-
Last post by cisman5
-
- 0 Replies
- 2303 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 0 Replies
- 1491 Views
-
Last post by XidigtaJSL