Seddax Caruur Ah Oo Ku Dhaawacantay Deegaanka Dhahar Ee Gobo
Posted: Sun Oct 14, 2007 3:56 pm
Seddax Caruur Ah Oo Ku Dhaawacantay Deegaanka Dhahar Ee Gobolka Sanaag Kadib Markii Ay Bambo laqaraxday.
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag Bari ayaa waxay sheegayaan in seddax caruur ah ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay bam ay ku cayaarayeen.
Dhaawaca seddaxdan caruur oo haatan lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka ee deegaankaasi ayaa xaaladdooda caafimaad si aad looga dayrinayaa iyadoo caruurtaasi qaarkood ay gacmaha iyo lugaha ka go?een, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha Degmada Dahar Salaad Xasan Shire.
Degmada Dhahar ayaa maamul ahaan waxay hoos tagtaa maamul goboleedka Puntland.
In dhowaaleba waxaa ku soo badanayay dalka Soomaaliya walxaha qarxa iyadoo maalintii shalay ahayd qarax ka dhashay miino ay caruur ku cayaaraysay ay ku dhaawacmeen seddax caruur ah.
Axmed Saadaq