http://waagacusub.com/war%203345123461112qf9f.htm
Topnews tonight:- Ciidamadda Somaliland oo kulaalaya Caasimada Puntland ee Garowe xilli ay qax iyo dibadbacyo ka socdaan,Weriyaasha Waagacusub.
Ganbadhe 15/10/2007 Friday Octaber Waagacusub.com
Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka ruuqaansaday degaanka Ganbadhe oo 23 KM u jira Magaala Madaxda Puntland ee Garowe ka gadaal markii ay aroornimadii hore ee maanta la soo wareegeen inta badan magaalooyinka gobolka Sool sida Laascaanood.
Ciidamadda Somaliland ee ka baxay Ganbadhe ayaa la soo weriyay inay ku wajahan yihiin wadada dheer ee isku xirto Qardho iyo Garowe halkaas oo ay doonayaan inay jaraan ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada ee Somaliland iyo Puntland.
Ciidama uu horkacayo Wasiiru daaqiligii hore ee Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo u badan maleeshiyo beeleed u dhashay Dhulbahante ayaa dhinaca Ganbadhe kaga baxay wadada toosan ee Garowe ,waxayna Saraakiisha la socoto Xaabsade sheegeen inuu bartilmaameedkoodu yahay Garowe si ay kaga jawaabaan weerar ay sheegeen in Ciidamo reer Garowe ah aroornimadii hore ku qaadeen Hooyga Xaabsade ee Magaalada Laascaanood balse uu ka badbaaday.kadib markii ay ilaaladiisa iska caabisay,kana baxsaday degaankaas.
Garowe ayaa la soo sheegayaa inay ka dhacayaan dibadbaxyo iyo rasaas goos goosa oo ay ridayaan kooxo gadoodsan oo cambaareeynaya Madaxweyne Cadde Muusse oo lagu edeynayo inuu masuul ka yahay jabka iyo guuldarooyinka ku habsaday Ciidanka daraawiishta Puntland.
Dibadbaxayaasha reer Garowe waxay ku dhawaaqayeen” Inaan is difaacno waa xaq ,beesha waa inaysan u kala harin sidii aanu Caasimada u difaacan lahayn,isu soo baxa oo hubkiina qaata,joojiyana qaxa iyo qalqalka”
Sida uu ku waramayo Weriyaha Waagacusub dadweyne fara badan ayaa qax bilaabay xilli dhinaca kale ay dadweyne reer Garowe ah dhigayaan dibadbaxyo qulqulatooyin xambaarsan oo ay ku dalbanayaan in beesha Garowe is difaacda oo aysan ku tashan maamulka Cadde Muusse,waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen erayo ka dhana Madaxweyne Cadde oo saacada ka hor ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa Itoobiya.
Weriyaha wuxuu sheegayaa inuu qaxa dadweynaha biloowday ka gadaal markii laga warhelay inay Ciidamada Somaliland soo jiireen difaacii ku dhawaa Ganbadhe ee Puntland,taasna ay dhalisay inay isaga baxaan Magaalada maadama ay ku imaan karaan Garowe inkayar 22 daqiiqo marka laga tusaalo qaato wadada oo aad u dhisan iyo kiilomitirka gaaban ee ay u jiraan Caasimadda Puntland.
Waxaa la sheegayaa in Ciidamada ugu badan ee kulaalaya Garowe ay u dhasheen Beelaha Dhulbahante iyo Warsengeli,waxaana jiidaha hore ee Aaga Garowe ku sii qulqulaya Wasiiro iyo madax reer Somaliland ah kuwaas oo kormeeraya hoowlgalada Melleteri ee Ciidamadooda.
Weriyaal ka tirsan Waagacusub oo Hargeysa ka raacay wafdi reer Somaliland oo gaaray Ganbadhe ayaa soo sheegaya inay inta badan mareen wadooyin qarda jeexa hasse yeeshee markii ay Laascaanood galeen ay indhahooda ku arkeen dadweyne isugu soo baxay wadooyinka oo caleema u ruxaya wafdiga iyo Calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka lalmanayay guud ahaan dhismooyinka dhaadheer ee Laascaano.
Weriyaashu waxay leeyihiin intii aanu ku soconay wadada ayaanu gaarnay meel aanan magaceeda aqoon oo xigta dhinaca Garowe ,waxayna Ciidamadii ku sugnaa fariisinkaas Ciidan ku wareejiyeen madaxdii aanu la soconay 13 Gawaarida dagaalka iyo 21 Askari oo lix ka mida ay ku sheegeen inay Saraakiil ciidan dagaal yihiin.
“ Abaanduulka guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Jeneral Ibrahim Caydiid wuxuu noo sheegay inay ka qabteen maamulka Garowe 15 Gawaari dagaal ilaa 38 Maxaabiisa laakiin anagu waxaanu indhaheyna ku aragnay 13 Gawaari dagaal iyo 21 Maxbuus”ayey yiraahdeen Weriyaasha Waagacusub oo aan idiin soo gudbin doono sawiro iyo warbixino ay ka soo qaadeen jiidaha dagaalka dhinaca Somaliland ku sugan tahay.
Madaxweyne Cadde Muusse ,Ku xigeenkiisa Xasan Dahir Afqudhac iyo Taliyaha Daraawiishta Puntland Cabdi Samed Cali Shire ayaa shir albaabada u xiran wuxuu uga socdaa Garowe,iyadoo aan la ogayn waxa ay uga wada hadlayaan hasse yeeshee dhanka kale Garowe waxaa ka soconaya is abaabul ciidan oo looga hortagayo Ciimadda Somaliland.
ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
Somaliland Army Near Garowe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
- Luq_Ganane
- SomaliNet Super
- Posts: 7849
- Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am
Re: Somaliland Army Near Garowe
Horta everyone on SNET takes their Tool's articles as the gospel.



- Sangub
- SomaliNetizen
- Posts: 447
- Joined: Sat Jun 30, 2007 7:18 pm
- Location: Cell #128, OG-Block, Djibouti City transfer Department
Re: Somaliland Army Near Garowe
beentacusub.com
Re: Somaliland Army Near Garowe
US is backing somaliland,..Meles and Puntlands game is busted,,they were planning to give the lucrative oil deals to Chinese..





-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1858 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 18 Replies
- 2830 Views
-
Last post by udun
-
- 20 Replies
- 2993 Views
-
Last post by Meyle
-
- 39 Replies
- 6841 Views
-
Last post by Adali
-
- 62 Replies
- 4221 Views
-
Last post by noer
-
- 25 Replies
- 1595 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 50 Replies
- 3445 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 12 Replies
- 1131 Views
-
Last post by GameChanger
-
- 3 Replies
- 1480 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 11 Replies
- 779 Views
-
Last post by gemini07