DHULBAHANTE LOOKIN FOR MAHDI MUUSE SUUDI YALAXOW

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

DHULBAHANTE LOOKIN FOR MAHDI MUUSE SUUDI YALAXOW

Post by The_Emperior5 »

Qormada Maanta
Siilaanyo Reer Laascaanood Kaagama Baahna Hambalyo Ee Doorashadiina Ma Ku Soo Bixi Doonta? Mise Sidii Tii Horaa Dibada Lagu Tuuri Doonaa!!! Waa Iska Xaalka Wasiirka Markii Aan Xilka Haystey Xaalku Muu Cakirnayn

Muuse Suudi Yalaxow oo kale inoo Doona hadii la doonayo in cadowga laga xoroobo



Oct 15, 2007 By:
Jidbaale.com (Kenya), Xaaladda colaadeed ee degaanadda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maalinba geed hadhsanaysay, subax walbana waxaa loo arkayay in warka saaka jiraa uu dhiilo xambaarsan yahay, balse maanta oo taariikhdu tahay 15-Oct-2007, laascaanood waxay ku dhacday gacan cadow, haddaba si loo darab jaro cadowga iyo huwantiisa waa in aynu helnaa Hogaamiye-kooxeed la mid ah Muuse Suudi Yaxalow.


Beelaha Isaaq oo iyagu sheegta dowlad ayaa in badan ku taamayay inay soo xidhaan xuduudaha uu ka tagay gumeysigii Ingiriisku oo hadheeya degaanadda uu gumeysan jiray, waxayna geed dheer iyo geed gaaban u fuuleen inay maruun gaadhaan Laascaanood, way gaadheen maanta taasina shakhi kuma jiro, si kastaba haku gaadheen, waxayna tijaabiyeen xeelad ay in badan ka fakarayeen taasoo suurta gashay inay shaqeyso maanta, taaso ah inay adeegsadaan shakhsiyaas u dhashay deegaanka oo calankooda kana dhextaaga Laascaanood.

Beelaha Isaaq waxay gaadheen guushii ay inta badan ku taamayeen, waxayna ognahay in dhamaan siyaasiyiintoodii iyo culumadoodii iyo waxgaradkoodii ay gudoonsadeen inay duulaan ka qaadaan degaanadda SSC-na hoos keenaan maamulkooda, haddaba guusha ay gaadheen libinteeda yaa leh? Ma Isaaq iyo maamulkooda ayaa leh? Mise shakhsiyaadka ka soo jeeda SSC ee suurta galiyay in si sahal ah lagu qabsado Laascaanood?

Jawaabta su'aashi waa iska cadahay, guusha waxaa leh oo gaadhay dhamaan beelaha Isaaq meel kastoo ay joogaan waxay isugu hambalyaynayaan caawa, 'guul,, guul laascaanood waa la qabtay', markaad sii waydiisid ee aad tiraahdid yaa qabtay laascaanood waxay kuugu jawaabayaan ciidamadda Qaranka ee Somaliland, taasoo cadeynaysa inay si guud libinta isu siiyeenn, dhinaca kale waxayna guusha iyo libinta marna u ogoleyn shakhsiyaadka u dhashay SSC oo iyagu suurta galiyay maanta (15-10-07) in laascaanood gacan cadow ku dhacdo.

Markaan si kale hadalka u dhigana Dadyowga ku abtirsadda SSC waxay gudoomeen guuldaro iyo sumcad xumo iyo talo la'aan, lama oga taariikhda dambe, in kastoo labadda kooxood ee kubaddu wada cayaarayaa ay kooxuun guuleysato haddana, waxaan la saadaalin karin abaabulka isa soo taraya goorta uu midho dhali doono.

Dulucda qoraalkayga markaan u soo dego, wali damiirka shacabka SSC ma dhiman, shakhsiyaadka xumaan ka taliska ahina waa fara kutiris, waana damiir laawayaal aan garanayn dhagarta loo maleegayo iyaga iyo dadkooda toona, in badan waxaad maqlayseen Siyaasiyiinta Isaaq oo ku tiraabaya Dhulbahante iyo Laascaanood uma jeedno!, qorshahaygu waa ka fog yahay wuxuuna ku base-garaysan yahay xuduudaha, taas shakhsiga damiirka u saaxiibka ahi wuxuu garan karaa marka ay laascaanood gaadhaan ee la qabsado dhulbahante siyaasad ama dabeecad noocee ah ayay kula dhaqmi doonaan? ma Power-sharing bay siyaasadda wax uga ogolaandoonaan? mise waa Beel dagaal lagaga adkaaday oo waa la gumeysan doonaa?

Hadaba, hadal gun iyo gababo ayuu leeyahay waxaa wax lala yaabay noqotay taariikhda madow ee dhulbahante gudoonsaday, waxaana isa soo taraya guuxa dadweynaha taasoo dibad iyo gudaba loo baahday maanta Hogaamiye-kooxeed hogaamiya duulaan lagu xoreeyo dadka iyo dalka, waxaana lagama maarmaan ah inuu lahaado sifooyin qaar ka mid ah?

1) waa inuu aaminsan yahay dadkiisa iyo dalkiisa diyaarna u noqdaa inuu u dhinto

2) waa inuu istaraatiyadda dagaalka wax ka yaqaanaa, isla markaana hogaamin karaa Jabhad loogu magac daro xoreynta Goboladda SSC

3) waa inuu yahay geesi leh go'aan qaadasho marka loo baahdo

4) waa inuu mowqifkiisu ama hadafkiisa ugu weyni yahay xoreynta goboladda Sanaag, Sool iyo Cayn, kana hirgaliyaa Maamul marka loo gaadho wakhtigiisa

5) waa inuu iskaashi la sameyn karaa bulsho weynta SSC ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda si uu u gaadho qorshihiisa dagaal.

Hadaba, sifahaas iyo kuwo kale waxaa looga baahanaya Hogaamiye-kooxeedya maanta isu soo tagaya inuu xoreeyo dadkiisa iyo dalkiisa,

M.N. Jeenyo - mnjeenyo@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”