taliyihii ciidanka majeerteeniya oo xilkii laga qaadey
Posted: Tue Oct 16, 2007 7:22 am
War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntlland oo xilkii laga qaaday
Warkii 16-Oct-2007 iyo Qormadii: Afnugaal news Disk
Warar aan si fiican loo xaqiijin oo aanu ka helayno xarunta Puntland ee garoowe ayaa sheegaya in Madaxwayne Cadde muuse ii xilkii ka xayuubiyey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland sareeye Guuto Cabdi samad Cali Shire
Sida wararku nagu soo gaadhayaan xilka qaadista ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah wasiirada Puntland ee Laascaanood ku sugnaa dagaalka ka hor ay kusoo eedeeyeen taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Sareeye Guutale Cabdi samad Cali shire in uu si xun umaamulay dagaalki ay puntland la gashay maamulka Somaliland kaas oo ciidamada maamulka Somaliland oo ay taageerayaan qaar ka mid ah beelaha deegaanku ay kula wareegeen magaalada Laascaanood ..
Warkan oo aan wali si rasmi ah uga soo bixin dowlad goboleedka Puntland ayaa hada si aada la isula dhexmarayaa magaalada xarunta ah ee garoowe oo uu ka socdo abaabul dagaal oo aad xoog badan ..
Dhinaca kale waxaa jira abaabul ciidamo beeleedyo ay wadaan dhamaan beelaha gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug kaas oo yimid ka dib markii isimada deegaanadaasi ay walaac xoogan ka muujiyeen isku halaynta xukuumada uu garwadeenka ka yahay madaxwayne cadde muuse..
Haka fogaan Afnugaal wararka xaqiiqda ku salaysan ee dagaalada dhexmaraya Somaliland Iyo Puntland
Afnugaal news Disk
Garoowe Puntland Somalia
Info@afnugaal.com