Tartan Qu'raan lagu Qabtay Magaalada Caabudwaaq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Tartan Qu'raan lagu Qabtay Magaalada Caabudwaaq

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Caabudwaaq, Somalia - Tartan Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Caabduaaq waxaana kasoo qayb galay 90 Arday oo ka kala yimid 25 Dugsi Qur’aan oo ku wada yaala Magaalada Caabduaaq, Tartankaas oo lagu aadiyay Bishaan Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadweyne aad u fara badan iyo waalidiinta dhalay ardada ka qayb galaysay tarnakaan Xifdinta Qur'aanka kariim ka ah.

Tartankaan Qur’aanka kariimka ah ayaa waxaa lagu tartamayay 30- ka Jus ee uu ka kooban yahay Qur’aanka, sidoo kae 60 ka mid ah Ardadii ka qayb qaadatay Tartankaan ayaa qaadatay Jaa’isooyin Lacageed, ardayga ugu sareeyana waxaa waxaa uu qaatay $500, halka Ardayga ugu Hooseeysana uu qaadatay $20.

Tartankaan Xifdinta Qur’aan ka kariimka ah ayaa waxaa bixinayay dhamaan lacagaha Jaa’sooyinka ah Shiiq C/caziiz Cabdullaahi Aden oo ah Qaariga macruufka ah ee degan wadanka imaaraadka Carabta.



Zaynudiin, Allgedo, Caabudwaaq/Somalia.

http://www.allgedo.com/Tempe/tartan%20q ... 20news.htm


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”