War Deg Deg Ah: Xukuumada Dowlad Goboleedka Puntland oo go'aana Soo Saaray
Warkii 16-Oct-2007 iyo Qormadii: C/qaadir koor
Waxaa ilaa saaka uu shir aan caadi ahayni uga socday magaalada garoowe golaha wasiirada dowlad goboleedka Puntland oo uu gudoominayo madaxwaynaha puntland kulankaas oo goor dhowyd laga soo saaray laba qodob oo ku aadan xaalada colaadeed ee ka aloosan gobolka Sool..
Labada Qodob ee haatan ka soo baxay shirkii golaha wasiirada puntland ayaa kala ahaa sida tan
1: In Ciidamada daraawiishta Puntland laga soo saari waxii kaga hadhay gobolka Sool
2: In Dadwaynaha Reer Laascaanood la shaqeeyaan Maamulka Puntland
Tan iyo saaka markii ay wasiirada Puntalnd iyo madaxwayne Cadde Muuse xidheen albaabka aqalka madaxtooyada Puntland ayaa waxaa hortubnaa banaanka hore ee madaxtooyada kumanaan dadwayne ah kuwaas oo ka war dhowraya waxa ka soo baxaya shirka ay xukuumadu ku jirto, waxaa hada ka jira magalaada garoowe dareen wayn oo muujinaya sida aan dadwaynuhu ugu qancin labada qodob ee hada ka soo baxay xukuumada..
Madaxwaynaha Puntland ayaa ku eedeeyey maamulka Somaliland inay weerar gardara ah ku soo qaadeen deegaanada Puntland ee xasiloonidu ka jirto , waxuuna cadde muuse intaasi ku daray in maamulka puntland uu yahay taageeraha ugu wayn ee dadaalka soo cilinta midnimadii Somalia taas oo uu sheegay in Somaliland aanay ogolayn..
Madaxweynaha Puntland Gen: Cadde Muuse ayaa sheegay in ay ciidamada Puntland dib uga soo gurteen magaalada Laascaanood si aan dhibaato usoo gaarin magaalada, isagoona intaasi ku daray in maamulka Somaliland ay dabada ka soo riixayaan dowlada shisheeye oo aan doonayn nabada Somalia..
Inkastoo ay xukuumada Puntland sheegtay inay ciidamadeeda kala soo baxayso gobolka Sool ayaa hadana waxaa ka socda magaalada garoowe abaabul ciidan oo aad uxoog badan , iyadoo ay dadwayne aad utiro badana wadooyinka isugu soo baxeen
Ha ka dheeraan Afnugaal wararka xaqiiqda ee dagaalada Somaliland iyo Puntland
C/qaadir koor
Afnugaal.com ,Garoowe, Puntland Somalia
Koor04@gmail.com
CADDE MUUSE SAYS HE WILLL WITHDRAW FRO THE ENTIRE SOOL REGIO
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1768 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 26 Replies
- 1615 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 2 Replies
- 605 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 29 Replies
- 1599 Views
-
Last post by somalinetguy
-
- 7 Replies
- 851 Views
-
Last post by highclass
-
- 27 Replies
- 1756 Views
-
Last post by quark
-
- 7 Replies
- 782 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by radical
-
- 16 Replies
- 1038 Views
-
Last post by Starscream