Gen:Cadde Oo Duleedka Lascanod Yimi Khudbadna u jeediyay Cii

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
siciid harti
Posts: 164
Joined: Mon Aug 13, 2007 12:34 pm

Gen:Cadde Oo Duleedka Lascanod Yimi Khudbadna u jeediyay Cii

Post by siciid harti »

courtesy widhwidh.com

maxamuud muuse xirsi boqor (Gen Cadde) madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo lawareegay dhamaan awoodii hogaankii iyo hawlgelinta Ciidamada Daraawiishta ee Puntland:::iyo Gaalkacyo, Boosaaso, Garowe oo ay ka socdaan abaabulo dagaal..........................................

Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Garowe iyo kuwa kale oo ku yaala deegaanada hoos taga maamul goboleedka Puntland ayaa waxa xalay ilaa maanta ka socda abaabul dagaal kii ugu weynaa ee soo wajaha maamulka intii uu jiray kaasoo ay ku doonayaan iney mar kale dagaal la galaan xoogaga taageersan huwanta ah ee Somalidiidka

Madaweynaha maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo markii arintaasi ay soo shaac baxday soo afjaray socdaal uu ku joogay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, si deg deg ahna ugu laabtay magaalada Garowe,

isagoo kulamana la qaatay golaha wasiirada iyo saraakiisha ciidamada daraawiishta ee Puntland, ayaa kala hadlay qaabka loo wajahayo xaalada ka soo korortay gobolka Sool,

waxaana warar hoose oo ka soo baxay kulamadaasi ay sheegayaan in ay isla gaadheen in dagaal rogaal celis lagu qaado ciidamada Somalidiidka taabacsan si ay uga sifeeyaan kooxaha huwanta ah ee argagaxisada ah

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa iyana dibed baxyo looga soo horjeedo ciidamnada Somalidiidka ka sameeyey gudaha garoowe iyagoo taayiro iyo dhagxaan waa weyn ku gooyay wadooyinka,

waxaan la sheegay in Gen. Cadde Muuse uu hogaamin doono ciidamada gurmadka ee loo diyaarinayo gobolka Sool,

"Puntland waxay hadeer galeysaa dagaal-kii ugu qadhaadhaa ee abid soomara waxaana ka go'an ah in ay awood walba u adeegsato kooxaha kasoo horjeeda ee argagaxisada ah ee somalidiidk" Sidaa waxaa yidhi maxamuud muuse xirsi boqor Gen Cadde madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Generaalka ayaa la wareegay dhamaan awoodii hogaankii iyo hawlgelinta Ciidamada Daraawiishta ee Puntland wuxuuna haatan isu diyaarinayaa dagaal aan soo noqosho lahayn.

Madaxweynaha puntland wuxuu maanta yimi kaantaroolka bari ee magaalada laascaanood isagoo u kuurgalayay xaalada dhabta ah ee dagalka wuxuuna wacad ku maray in maalmo yar gudahood uu tegi dooni ilaa iyo caynaba. Cadde muuse ayaa sheegay in dagaalka ay somali diidku bilaabeen isagana uu soo afjari doono.
siciid harti
Posts: 164
Joined: Mon Aug 13, 2007 12:34 pm

Re: Gen:Cadde Oo Duleedka Lascanod Yimi Khudbadna u jeediyay Cii

Post by siciid harti »

he say tomorrow we will be burco habar jeclo city
SLEW_DEM
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1223
Joined: Mon Jul 30, 2007 11:34 am
Location: YA MUMS YARD YA UNDERSTAND

Re: Gen:Cadde Oo Duleedka Lascanod Yimi Khudbadna u jeediyay Cii

Post by SLEW_DEM »

Tomorrow Inshallah LaasCanood will be free.


They have even started to loot the Garaads :shock:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”