ISAAQ CONTROL 95 PROCENT OF DHULBAHANTE LAND

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

ISAAQ CONTROL 95 PROCENT OF DHULBAHANTE LAND

Post by The_Emperior5 »

Madaxweyne Cadde Muusoow, bal tuute xidhataye maxaad soo kordhin? Xisaabtana ku darsoo Sool Dhulbahante oo kaliya laga qabsan ee Harti oo dhan baa laga qabsaday



Oct 17, 2007 By:

Jidbaale.com (Kenya) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Hirsi Muuse Boqor ayaa shalay si toos ah ula wareegay hogaanka sare ee ciidanka, isla markaana xilkii ka qaaday Sarkaalkii hore u hogaaminayay ciidanka Daraawiishta, haddaba su'aasha dadka qaarkiis is waydiinayaan waxa weeye, Cadde ma suurta galin karaa in dhirbaaxo kulul lagu dhufto maleeyshiyadda isaaq iyo huwanta la jaalka ah? Mise xaalku waa Nin aad taqaanay haduu seexdo oo soo tooso, waa kaad taqaanay!!



Beelaha Harti-Daarood waxay lahaayeen haddana leeyihiin taariikh wacan, xushmad iyo wanaag ku dhisan, sidoo kale waxaa xusuus mudneyd halgamadii is daba jooga ahaa ee ay la soo galeen cadowyadii kala duwanaa ee soomaaliya ku soo duulay noocay doonaanba ha noqdeene.



Harti nimaan aqoon baa yiraa, hadalka qaarkiis

waa niman hurmuud wada ah iyo hanado waaweyne

waa niman hub iyo dowladnimo, haysta waligoode

waa nimanka haybtoodu tahay haashinkaas kore e

waa niman hadday rag is-hayaan, huriya baaruude



Inagoo taariikhdaas iyo halgankaas si wacan u xasuusana ayaa haddana is badalka waayuhu wax weyn ka badaleen jiilkii dambe, waxaana guud ahaan saaxadda bulshadda ka dhamaaday shakhsiyaadkii magaca iyo mudnaanta lahaa, isla markaana xeerin jiray magaca dhulbahante-nimo ama harti-nimo, waxaana badalay kuwo aan cilmi iyo caqli badana lahayn, calooshooda la ciyaar ah oo aan ka badineyn quutul-daruuriga, waxaana meesha ka baxday hinisihii Dhulbahante-nimada waxayna si sahal ah u cidhib tireen taariikhdii bulshadda.



Hadaan u soo noqday, dulucdayda maqaalka, xaaladda maanta lagu jiro waa mid colaadeed, isla markaana reebtay magac xumo, shacabkii dhulbahante ama harti guud ahaan wuxuu gacanta u galay maleeyshiyo beeleedyo kale oo waligood ku taami jiray inay maruun gaadhaan gunta harti, waxaana suurta galiyay inay ilaa guushaas gaadhaan shakhsiyaad u dhashay beesha oo la iibsaday.



Hadaba, cadde muuse ayaa warbaahinta shalay ka sheegay balana ku qaaday inuu soo nooleenayo karaamadii iyo sharaftii Reerka, isla markaana wuxuu balan ku qaaday inuu dhirbaaxo kulul ku dhufan doono Maleeyshiyo beeleedka Hargeysa ka yimid iyo kuwantooda, hadda si uu guushaas uu u gaadho cadde muuse, hindisihiisuna u meel marto waa in la helaa dhowrkan qodob:



(1) waa in cadde muuse loo muujiyaa daacadnimo isku duubni iyo wax wada qabsi, dagaalkana si wadajir ah loo galaa.



(2) waa in la diyaariyaa dagaalyahaniin ka kooban dhamaan beelaha Dhulbahante ama harti oo u babac dhiga Maleyshiyadda Hargeysa laga soo diray



(3) waa in Jaaliyaddaha Dibaddahu kaalin muhiim ah ka qaataan abaabulka ciidan iyo xoreynta dalka iyo dadka.



(4) waa in la joojiyaa guud ahaan dacaayadaha iyo farta-isku fiiqa iyo eedeynta lays eedeynayo, iyagoo beelaha qaarkood lagu eedeynayo inay suurta galiyeen in si sahal ah loo qabto laascaanood, xaaladda shacabka dhulbahante soo foorsaartayna loo arko mid guud oo ah colaadd u dhaxaysa Isaaq iyo Hanti ama Daarood, isla markaana shakhsiyaadka la socda ee la iibsadayna aan loo eegin qolo ama heyb, ee loo arko damiir-laawe doolar dhaafsaday dadkiisii iyo dalkiisii, sidii kuwii u dhashay ciraaq iyo afgaanistaan ee markii cadowgu ku duulayay basaasiinta ahaa oo kale.



Gabagabadda, qoraalka maanta waxaan ku soo afjarayaa taariikhdu waa duug, waxayna reebaysaa dhaxal dambe, hadii si deg deg loo fuliyo qodobadda aan soo sheegay waxaa laga yaabaa in dib loo hantiyo karaamadii, balse hadii laga dhago adaygo taariikhda reerku waa siday u suushay, Isaaqna waa siduu inoo qabsaday.



Isaaq maanta wuu haystaa caro dhulbahante 95%, waxaa wali gacanta dhulbahante ku sii jira magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos taga Gobolka Cayn, iyagana uma malaynayo inay duulaan ku qaadayaan, waxaa ku filan oo kaliya inay Telephone ku howl galiyaan, waa Aniga (Jeenyo) fikirkayga balse hadaad akhristoow haysid fikir kale oo lagu badbaadin karo deeganaadda inoo hadhay oo ah in ka yar 5% ii soo sheeg (mnjeenyo@hotmail.com)



M. N. Jeenyo (mnjeenyo@hotmail.com

Nairobi - Kenya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”