Page 1 of 1

KULMIYE women sends timir to somaliland army in lascanood

Posted: Sat Oct 20, 2007 12:27 pm
by Hiiraan boy
Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE iyo gaboodka haweenka ee Gobaad oo maanta deeqo kala duwan ugu deeqay ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida Hore

Nairobi Jimco , October 19 2007 SMC

Garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo ururka haweenka ee Gobaad ayaa maanta ku wareejiyay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md C/Laahi Cali Ibrahim xaflad lagu qabtay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee somaliland.

xafladan oo ahayd aad loo soo agaasimay waxa halkaasi ugu horayn ka hadashay. Marwo Canab Cumar Ileeye oo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye waxana ay sheegtay in ay tahay wax lala yaabo in maanta Isirnimo wax lagu doono maadama ayay tidhi dadka somalida ahi degan yihiin meelo kala duwan isla markaana qaar ka mida dadka reer somaliland in ay degan yihiin meelo kala duwan sida Xamar,Jabuuti iyo Itoobiya. waxana ay sheegtay in bulshada reer somaliland ee halkaasi degani ay ka tirsan yihiin dalka ay degan yihiiin. waxa kale oo ay sheegtay in ay aad ula yaabtay hadalada odhanayaa dadka degan laascaanood waxa aanu nahay isku Isir.

Waxa kale oo iyana xafladaasi ka hadashay Marwo Layla Cismaan Yuusuf oo ah gudoomiyaha gaboodka haweenka ee Gobaad, waxana ay sheegtay in ay la garab taagan yihiin ciidanka qaranka somaliland wixii taageero ah ee ay heli karaan. waxana ay sheegtay in taageeradan oo kale ay ku caawin karaan wixi ay kolba soo heli karaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md C/laahi Cali IBrahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa aad u amaanay taageerada ay maanta siiyeen haweenka somaliland ciidanka qaranka ee somaliland waxana uu ugu baaqay in shacabka somaliland iyana ay ku daydaan taageeradan oo kale isla markaana ay taageeraan howl galka ciidanka qaranka ee sugida xuduudaha.

Deeqdan oo ahayd mid isugu jirta qaybo kala duwan waxa ay isugu jirtay.

sonkor, shaah iyo Timir aad u badan.

Sidoo kale deeqahan oo kale waxa hore u gudoonsiiyay wasiirka haweenka somaliland gaar ahaan kuwa udub iyo Ucid.

Re: KULMIYE women sends timir to somaliland army in lascanood

Posted: Sat Oct 20, 2007 2:05 pm
by XidigtaJSL
Here are the gallant ladies of Somaliland

http://www.somaliweyn.com/pages/news/Oc ... Oct24.html