Somaliland Republic Vs TFG Mafia
Posted: Sat Oct 20, 2007 1:41 pm
::Warkii Ugu Dambeeyey::
Welcome waxgaradka gobolka mudug iyo wasiiro katirsan DFKSiyo wasiiro puntland oo shir ku yeeshay gaalkacyo
Warkii 20-Oct-2007 iyo Qormadii: C/qadir nuur
Shir balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Maamulka gobalka Mudug kan degmada Gaalkacyo ,Waxgaradka ,haweenka ,Ururada Bulshada riyadka Iyo taliyaasha ciidamada gobalka Mudug ayadoo dhinaca Maamulada Puntland iyo Faderaalka ay joogeen wasiirka kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax iyo Wasiirada wasaaradaha Maxamed Cali Yuusuf ,C/risaaq Yaasiin Cabdille ,Cali Cigaal Afgaab iyo xubno kale oo fara badan.
Shirkaasi ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi ,isagoo ka hadlay waxyaabaha shirkaasi looga hadlayo kuna tilmaamay difaaca Puntland iyo doorka ay ka qaadan karaan difaaca gobalka Mudug dad ku dhaqan.
Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta C/risaaq Yaasiin Geesood ahna afhayeenka gudiga xaalada deg deg ah ayaa halkaasi ka soo jeediyey ,wada hadalo kooban oo uu shalay qaarkood kaga waramay shir ay la qaateen haweenka gobalka Mudug.
C/risaaq Yaasiin Cabdille wuxuu sheegay beelaha gobalka Mudug ,looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan difaaca Puntland gaar ahaan ay door muuqda ka ciyaaraan xaalada dagaal ee ay gashey deegaanada Puntland.
"Sida aad maqleyseen wasiiro ka tirsan Maamulka gobalada Waqooyi galbeed Soomaaliya ,waxa ay ku dhawaaqeen in ay qabsanayaan magaalooyinka Boosaaso Iyo Garoowe oo ah caasumadii Puntland ,waxaana dhowreynaa ma jiraan ciidankeena ayaan difaaciisey adkeyneynaa" Ayuu yiri wasiirka cadaalada Iyo arimaha diinta Puntland.
Wasiirka Kulluumeysiga iyo kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax oo jeediyey hadal qaatey waqti dheer ,isla markaana Saxaafadu aysan duubin ayaa wuxuu ka hadlay waxyaabo badan oo ka jira dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka reer Mudug in ay qaataan qeybtooda ku aadan difaaca dowlad gobaleedka Puntland ,isagoo ku dhawaaqey in ay Puntland ku yimaadeen markii ay arkeen waxyaabaha ka socda deegaanada.
Xasan Abshir Faarax ayaa sheegay in dagaalka lugu qabsadey Laascaanood yahay mid lugu soo qaaday dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,maadaama ciidamada Daraawiishta ay kala wareegtay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
" Waxaan Nasib daro ah in dadka sheeganaya wasiiro ku hadlaan ,hadaladii aan maqlayay maalamaahan ,waxaana leeyahay warkaasi waxaa ku hadlay Nin aan qaangaarin"Ayuu yiri Wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
Wasiirka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ay dowlado Shisheeye oo aan dooneyn nabada Soomaaliya soo kaalmeeyaan Maamulka la baxay Somaliland ,isagoo markaasina ay kula dardaarmaan burburinta dowlad gobaleedka Puntland oo ah tiirka ay ku taagan tahay dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyada Puntland Maxamed Cali Yuusuf oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in dagaalkii lugu soo qaadey ay ka soo qeybgaleen ,haraadigii Maxkamadihii Muqdisho & dowlada Asmara dad ka socda.
"Ninka aaminsan in Puntland laga awood batey dagaalkii ,taasi ma jirto markii aan awoodooda wiiqney ayaa gurmad ay ka heleen Haraadigii Maxkamadaha iyo kooxo kale" Ayuu yiri wasiirka Maaliyada Puntland.
Kulankaan ayaa dhamaantiis ku soo dhamaaday jawi ay farxad ku beegan tahay ,ayadoo ay kulamadu sii socondoonaan ilaa maalinta beri ah.
C/qadir nuur (Koor)
Wakiilka Afnugaal.com Garoowe Puntland
koor04@gmail.com
Info@afnugaal.com