Isaaq Sal Fududaa Wuxuu Sugayo Muu Dhowro

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Isaaq Sal Fududaa Wuxuu Sugayo Muu Dhowro

Post by XidigtaJSL »

Isaaq Sal Fududaa Wuxuu Sugayo Muu Dhowro


Oct 20, 2007 By:Jidbaale
Hargeysa (Jidbaale.com) Guud ahaan magaalooyinka ay degaan beelaha Isaaq waxaa hadheeyay munaasibado farxado oo si weyn loosoo agaasimay, farxadahaas ayaa kala ahaa (1) Sameyntii Jabhadii SNM oo maanta ku beegneyd, sidoo kale waxay u barooranayeen maatadii laga xasuuqay, waxayna meesha ka saareen Maataladii u dhalatay Beelaha Samaroon iyo Ciise ee ay xasuuqeen. (2) Farxadda kale ayaa ahayd Guusha Qabsashadda Laascaanood iyo jabka ku dhacay Dhulbahante, waxayna guushan si weyn ugu amaanayeen Daahir Riyaalihii ay shalay caayayeen, waxayna Riyaalle ku dareen Liiska shakhsiyaadka ay ugu yeedhaan Mujaahidiin.

Beelaha Isaaq oo inta badan isku maaweeliya hindise aan fogeyn, waxayna bilaabeen inay ka dabaal-degaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, xafladahaas waxaa ka hadlayey shakhsiyaadka ku caanbaxay caadifadda qabiilka kuwaasoo isaaqnimaddu ku dheertahay, waxaana ka mid ahaa Hogaamiye kooxeed Axmed Siilaanyo, Hogaame-kooxeed Faysal Cali Waraabe iyo mr. Yusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo gobolka sanaag ku xasuuqay boqolaal waxgarad ah oo dhulbahante ah, shakhsiyaadkaas dhamaantood waxay si aad ah ugu dheeraadeen amaanta Jabhadii SNM oo ay ku sheegeen inay ahayd jabhad xaq ah, sidoo kale waxay inkireen ama meesha ka saareen shacabka Reer Awdal ee xasuuq bani-adamnimadda ka baxsan u geysteen, iyadoo goob kaliya madaxa kaga jaray in ka badan 1000 qoys oo u badan caruur iyo dumar.



Xafladaas badalkooda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay degaan beelo aan la hayb ahayn Beelaha Isaaq, isla markaana ka soo horjeedka waxay ugu yeedhaan gooni-isutaaga iyo xusida Jabhada SNM waxaa ka dhacay mudahaaro lagu cambaareynaya Beelaha Isaaq iyagoo beesha caalamka u sheegay in Midnimadda Soomaaliya tahay Muqadas, isla markaana qabiil kaliyi qaran noqon karin.



Hadaan u soo noqdo xusuus yaraanta iyo riyadda Beelaha Isaaq iyo Jibadda aan meelna jirin ee ay hayaan, waxaad is waydiin kartaa sida iyagoon dhulu-dhacooda hubsan ay dowlad madax-banaan ugu dhawaaqeen, mudaas oo hadda laga soo wareegay 16 sanadood waxay waayeen xitaa wadan ama dowlad tiraahda waanu idin aqoonsanay.



Maamulka Beelaha Isaaq waa mid ku dhisan hab-qabiil iyo dhul balaarshi, waxayna durba bilaabeen inay u dabaal dagayaan duulaankii ay ku qaadeen Beelaha Dhulbahante ee ay ku jabiyeen dhulkoodii sida xooga ah u qabsadeen, taasoo wali dadka badankiisu is waydiinayo sababta kaliftay in maanta Isaaq ku faano gacan ku heynta Laascaanood, sidoo kale waxay meesha ka saareen shakhsiyaadkii guusha u soo hoyiyay ee u suurta galiyay in Laascaanood ay gacantooda gasho iyadoon cidi ku dhiman.



Soomaalidu waxay tiraahdaa, waxaad dhuuso moodeyso ayaa xaar kugu noqdee, (sorry in kastoo aysan habooneyn inaan adeegsado maahmaahdan balse waxay u muuqatay inay si waafiya u qeexayso ujeedada qoraalkayga), Maanta dhulbahante waxay dhayalsanayeen ayaa dhab ku noqday, durba waxaa la sheegayaa in Boqolaal Reer Miyi ah oo Habarjeclo ahi soo dageen tuulooyinkii ku xeernaa goobihii Ciidamadda Dhulbahante laga soo jabiyay sida Guumeys, Xargaga, Abeesolay iyo Yeyle, taasoo ay shakhsiyaadkii Cadowga keenay dhulkooda Hooyo, ay siday maamul iyo Dowlad iyo mashaariic uga sugayeen Hargeysa ay ka war heleen kumaanka Reer guuraada ah ee habar-jeclo ee soo degay dhulkii Dhulbahante lahaan jiray, waxaana iska cad in cid maanta la hadli kartaa aysan jirin ama u diidi karaa, degaanadaas intii dhulbahante nafta lahaa waxaa loo diidanaa waxaana ka dhacay marar badan dagaalo sida Yeyle iyo Hurufadhi, laakiin maanta oo dhulbahante naf lahayn waxay bilaabeen inay durba soo raraan reer miyigoodii



Isku soo wada duuboo, Isaaq maanta meel kastoo uu jooga waa faraxsan yahay, waliba taas waxaa igaga sii daran in goobaha ay shirbeynayaane ama ku soo bandhigayeen farxadooda aan ku dhex arkayay shakhsiyaad fara ku-tiris ah oo u dhashay Dhulbahante oo ka dhex muuqday goobahaas, kuwaasoo aan garayan ujeedada waxa loo faraxsan yahay, halka walaalahoodda dhulbahante weyne 99.9% ay murugo iyo muraara-dilaac la hagoogteen.



Dhinaca kale, Isaaq shalay waxay caayayeen Riyaalle oo ay lahaayeen waa faqash, waa somaliland diid, waa aabaha musuq-maasuqa, waa aabaha horumar la'aanta, dowladiisuna waa fadhiid iyo arimo badan oo kale, balse nasiib daro waxay sheegayeen maanta inay Riyaalihii noocaas ahaa ay ku dareen liiska shakhsiyaadka ay ugu yeedhaan inay yihiin Mujaahidiin, waayo wuxuu u qabtay Gobol ay MuJaahidiintii Isaaq qaban kari waayeen, waa Laascaanoode



Hadaba, aan uuraysate aan eegno waxay umuli doonto, Isaaq meel joogaba waa is tusay inay guuleeysteen, dhulbahantana u arkaan inay gumeeyeene, aan eegno gunta iyo farxadu qoladay ku dambeyso, balse hadalkayga waxaan ku soo afjaryaa cayaari waa galin dambe, hadaad isu aragteen inaad guuleysateen maydaan guuleysan.



Mohamed Xasan Xaashi - Hargeysa

maxamedxasanxaashi@hotmail.com



RadioSSC News


These guys are nuts Laughing Laughing Laughing
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”