"Cadde Muse Wuxuu ku Naaxay dhiiga Dadka Reer Maakhir State"

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Dr.Galbeyte.
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.

"Cadde Muse Wuxuu ku Naaxay dhiiga Dadka Reer Maakhir State"

Post by Dr.Galbeyte. »

War saxaafadeed Xasaasi ah oo ay Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalle ay ka jeedisay magaalada Newyork…Halkan Ka Dhagayso
Oct,22,2007 www.Hobyoradio.com


War saxaafadeedkan xasaasiga ah ayaa waxay xil. Caasha Axmed Cabdalla ugu horeyntii u direysaa tacsi dhalinyaradii ku geeriyootey weerar lagu qaaday magaalada Boosaaso xaafad ka mid ah, waxay kaloo ka hadashay in Cade Muuse, Siciid Raage, iyo Col C/casiis gacmay ay geysteen fal ah (international crime) kaasoo ay dacwad ka xareyn doonto caalamka.

Xil. Casha Ahmed Cabdalla


Halkan Ka Dhagayso

Caasha ayaa sheegtey in weerarkii lagu qaaday xaafada Raf iyo Raaxo ee Boosaaso uu yahay mashaariicda cusub ee Puntland isaga bixineysa lacago 10 million oo doolar ah uu caalamka ku leeyahay, taasoo mashruucaan uu yahay mashruuc dadka laga iibinaaya hay'adaha argagixiso la dirirka ah iyadoo la rabo in lacagaha deynta ah la isaga bixiyo.



Waxay kaloo Caasha ka hadashay arinta Laascaano inay tahay mid ay isla ogyihiin Cade Muuse iyo Riyaale mashruucna ay ku raadinayaan dagaalada dadka rayidka ah ee Sool iyo Sanaag.



Waxay kaloo Caasha tibaaxday in Cade Muuse aysan hada iyo Majiyahan ugu horeynin inuu laayo reer Maakhir ay ahayd markii ugu horeysay waqtigii 1977 in uu isaga ka danbeeyey dilalkii ahaa dilalkii G/Sare Ahmed Salaad Ruqur oo ku magac dheeraa (Salaaddiini), Dr. Muuse Mohamed Xirse iyo Abaadir Maxamed Xuseen oo ahaa wiilkii uu dhalay XaaJi Mohamed Hussein (SYL).



Ugu dambeyntii ayaa Xildhibaan Caasha waxay ugu baaqday Cade Muuse uu siidaayo wiilasha dhalinyarada ah ee u xiran dambila'aantana lagu soo xirtey, waxayna caalamka ugu baaqday in ay wax ka qabtaan koontaraktiga ah in dadka la iibsado oo itoobiya laga iibiyo.



Wareysigan ayaa ah mid aad u dheer xasaasina ah ee dhagaysi wanaagsan.

New York, USA

---------------------

Peace for the people of Makhir state.

:lol: :lol:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”