





















































Dowlada gumeysiga Itoobiya oo astayneysa xaduud cusub oo ay Soomaaliya yeelato
Beerdhiga 24.10.2007 13:38
Itoobiya ayaa bilawday asteynta xaduud cusub inta udhaxeysa gobolada dhexe ee soomaaliya iyo dhulka soomaali galbeed gaar ahaan gobolka hiiraan oo horoy xaduud ula lahaa dhulka soomaali galbeed ee Itooboya Gumeysato.
Iyadoo hadda uu soo ifbaxay isbadel cusub oo lagu sameynayo xaduuda soomaaliya gaar ahaan xadka gobolka hiiraan iyo dhulka soomaali galbeed oo in mudaba ku jiray gacanta gumeysiga itoobiya.
Ka dib markii uu soo ifbaxday arintaani ayey halkaasi booqatay Beerdhiga oo safarkeeda ku kala bixisay gobolada dhexe ee soomaaliya iyo qeybo ka mida dhulka soomaali galbeed socdaalka Beerdhiga oo qaatay mudo 7 maalmooda ayey ugu kuur geleysay xaalada uu ka damacsanyaha gumeysigu dhulkaasi.
Iyada oo Shabakadda Beerdhiga halkaasi ku soo aragtay dhibaatooyin uu gumeysigu ku hayo shacabka Somaaliyeed waxaana ugu muhiimsanaa waxa Beerdhiga halkaasi ku soo aragtay Dhul hadda gumeysigu damacsanyahay in uu ku darsado ama uu hoosgeeyo maamulkiisa gumeysiga isga oo hadda bilaabay si tijaaba ah in loo kala xadido goobahaasi iyo gobolka hiiraan.
Dhulkan uu xaduuda cusub ka sameynayo Gumeysiga Itoobiya oo ku dherarsan labada dhinac ee Wabiga shabeele oo ah mid isku xira goboka hiiraan ee dhulka soomaaliya iyo soomaali galbeed ayaa ah mid hodon ku ah kheyraadka kala duwan ee dalagyada beeraha iyo daaqaba kaasi oo ay ku yaalaan tuulooyin aad u badan oo hadda hoos galay dhulka uu maamulo gumeysiga itoobiya ee soomaali galbeed oo gaaraya in ka bada 7 KM oo ku teedsan labada dacal ee wabiga shabeele taas oo hadda lagu asteeyay tuulada Deefow oo 40KM u jirta magaalada beledweyne ee Goboka Hiiraan
waxaa ka mida goobaha hadda lagu darayo maamulka itoobiya Burdhiinle Aabaaley Dhuuraaxo iyo goobo badan oo ahaan jiray xeryihii milatariga ee dowladii Maxamad Siyaad Barre
Go’aanka xedka cusub ayey kuwar geliyeen gumeysigu maamulka wakiilka uga ah gobolka hiiraan DFKMG ah ee la shaqeysa Gumesiga Itoobiya in aysan ku baahin maamulkooda goobihii horoy xedka u ahaan jiray loona asteeyay in aysan ka gudbin halka loo yaqaano Deefow Bari iyo galbeedba
iyad oo sidoo kalana la gaar siiyay digniin taa la mida hay’adaha ka howl-gala soomaaliya ee fadhigoodu yahay gobolka hiiraan in aysan tagi Karin waxii ka xageeya Deefow oo ah halka loo asteeya maamulka Dabageed
Sidoo kale Beerdhiga ayaa ku soo aragtay qaar ka mida dhulka soomaaligalbeed xeryo ama gasooyin aad u weyn oo si wadajira loogu xareeyo xoolaha iyo dadka marka jabhadaha xoreynta soomaaligalbeed waxyeeleeyaan ciidamada gumeysiga itoobiya.
Xeryahan oo guud ahaan ku yaala Soomaaligabeed ayaa u badan agagaarka Magaalada Godey.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay wakiilada u qaabilsan Gobolka Hiiraan DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya oo ku aadan xaduudan cusub oo ay damacsantahay Dowlada Itoobiya iyaga oo ka gaabsaday mar saxaafadu isku dayday in ay wax ka weydiiso Yuusuf Dabageed.
Waxaase jira cabashooyin ka imaanaya dadka deegaanadaasi oo ka walaacsan isbedeladan cusub oo la dulkeenay kaasi oo dhibaato weyn ku ah hadiiba uu hir galo Qorshaha gumeysiga ee cusub.