Geedi is Back In Ethiopia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Geedi is Back In Ethiopia

Post by Shirib »

Ra'iisal Wasaare Geeddi oo Deg deg ugu laabtay Addis Ababa, una sii gudbaya Sacuudiga

Arbaco, October 24, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu booqasho kale oo deg deg ah ugu laabtay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo ay ugu yeereen Madaxda Dalkaas.



Afhayeen u hadlay Ra’iisal Wasaare Geeddi oo lagu magacaabo C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa HOL u sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu u tegayo magaalada Addisa Ababa ee Dalka Itoobiya arrimo ku saabsan sida uu hadalka u dhigay Arrimo la xiriira khilaafka dhinaca Dastuurka ah ee ku kala dhex jira Golayaasha Dowladda iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan keenista Ciidamada Afrika ee Dalka Soomaaliya.



Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in Ra’iisal Wasaaraha uu socdaalka Itoobiya kadib u amba bixi doono Dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo uu iyana kulamo kula qaadan doono Madaxda Dalkaas, iyadoo uu carrabka ku dhuftay in ay iyana Sacuudiga tegi doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, halkaasina ay seddexda ku yeelan doonaan kulan ay dhexdhexaadineyso Dowladda Sacuudiga.



Waa Socdaalkii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Geeddi muddo gaaban ku tago Dalka Itoobiya, isla markaana uu kulamo ku saabsan sidii xal loogu heli khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu la yeesho madaxda Dalka Itoobiya.



Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka deg degta ah ee uu markii labaad Ra’iisal Wasaare Geeddi ugu amba baxay Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dib loo dhigay kulan ay maanta Baydhabo ku yeelan lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo lagu eegi lahaa Qodobadda Axdi Qarameedka ah ee ay isku hayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Geedi is Back In Ethiopia

Post by Shirib »

God knows what the hell the guy is doing their. Seems like attacks on Ethiopians have risen lately though.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”