Page 1 of 1

Kismayo administration orders Hutu huts to be destroyed

Posted: Wed Oct 24, 2007 1:22 pm
by Alta Vista [Bot2]
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maamulka magaalada kismaayo wareegto ay soo saareen maanta ku sheegeen inay bur-burrinayaan dhammaan goobaha sharci darrada ah ee ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya.

Hawlaha lagu bur-burrinayo goobaha ganacsi ee shaci darrada ah ayuu maamulku sheegay inay kala kaashanayaan ciidamada amniga ee magaalada Kismaayo, isla markaana ay ka go?an tahay inay soo celiyaan bilicdii magaalada.

Waa markii ugu horreysay maamulka magaalada Kismaayo uu fuliyo hawlgallo caynkan oo kale oo lagu bur-burrinayo goobaha ganacsi oo ku yaalla waddooyinka hareeraheeda.