JSL Armed Forces few miles from Majeertenia capital Garowe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
Re: JSL Armed Forces few miles from Majeertenia capital Garowe
Faalo uu Qorey Siyaasi Saleeban D.Abdillahi oo uu kaga hadlayo Arinka Lascanood iyo Siyaasada Geeska Africa
--------------------------------------------------------------------------------
Saleban D. AbdillahiToronto, Canada(salebandahir@gmail.com)
hadhwanaag 2007-10-27 (Hadhwanaagnews) Toronto-Waxaa mahad leh Ilaahay oo gacanteena ku soo celiyay gobolada bari (Sool) ee inta badan baadilka iyo gardarada lagu haystay. Waxaa kale oo mahad mudan dawlada Somaliland oo wakhtigan xaadirka ah si hagar la’aana ugu adkaysatay in ay sugayso dhamaanba xuduudaha Somaliland khaasatan gobolka Sool. Hambalyo waxaa mudan ciidanka qaranka oo iyagu u huray naftooda inay ka xoreeyaan cadawga Dhulka hooyo. Waxaan aad ugu faraxsanay in aanay markan niyad jabin Ciidanka qaranku oon dib u soo gurasho dhicin. Waxaa ka go’an dawlada Somaliland iyadoo ay ku taageersanyihiin xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Kulmiye, wakiilada iyo guurtida, shacabka Somaliland gude iyo dibadba in aan markan dib looga soo laabanayan sugida xuduudaha Somaliland. Waxa wanaagsan in la ilaabo in lays waydiiyo sababta imika loo sugayo xuduudaha ama markii hore looga soo baxay, waayo dawlad walba waxay leeday hab xeel dagaaleed oo ay ku dagaal gasho, waana xeel dagaal ee xarago ma aha ee la soco.
Beelaha Gobolka Sool (Dhulbahante iyo Warsangani) waa dad reer Somaliland ah, hayb ahaana u dhashay Darood. Cidi iskuma haysato in qof walba meel ka soo jeedo laakiin waxaa dal lagu gartaa ooy astaantiisu tahay marka ay isugu yimaadaan dad ka soo kala jeeda meelo kala duwan isla markaana ku walaaloobi ama bahoobi kara nidaam ay meel isla dhigeen. Somaliland waxa astaan u ah in ay isugu yimaadeen quruun kala duwan oo ku wada abtirsata wadan qudha, wadaagana dhaqan mida isla markaana wada dhashay ama is dhalay. Dhulbahante iyo Warsangani waa laba reer oo u dhashay Somaliland, kana dhashay Darood, dhulkooduna waa Somaliland, lamana badali karo khariirada uu isticmaarkii dhigay 100 sano ka hor.
Waxaan dawlada Somaliland ku boorinayaa in ay ku dadaasho sidii loo ilaalin lahaa nabad galyada goboladaa iyo dadkeeda isla markaana looga ilaalin lahaa in aan cadaw faraha la soo galin Dhulka Somaliland dhamaantiisba. Waa in ay dawladu la tashataa odayaasha beelaha daga gobolka Sool, isla markaana la ladqabeeyaa inta cadhada ku maqan ama been qabiileedka lagu duufsaday, loona sheego, isla markaana la tuso in la yahay dad wada dhashay oon meelna kala tagayn. Somalidu waxay ku maahmaahdaa Oodi Abtirsiimo Ka Dhaw.
Dawlada Somaliland waa in aanay ku koobnaan xadka Somaliland hadii weerar gardaro lagu soo qaado dhulkeeda ee ay ugu talawdaa saldhigyadooda ku yaal Garawe iyo Boosaaso waayo waa sharci u yaal aduunka in argagixisada meelkasta ooy joogto loogu tagi karo. Waa arin ka saxan qaramada midoobay in cadawga halkiisa lagula dagaalamo, laguna burburiyo oo laga hortago dibaatada ay u gaysanayaan shacbiga.
Waxaa tusaale u ah,
1-Maraykanka oo galay, Afghanistan, Iraq, Somalia iyo dalal badan oo qarsoon ooy hawlo military ka fuliyeen.
2- Israel oo duqaysay ama haysataba Suuriya
3- Turkiga oo doonaya inuu qabsada gobolka lagaga soo duulo ee Kurdishka ee woqooyiga Ciraaq. USA way ka aamustay farahana lama gali doonto qabsashadan.
4- Iyo Iran oo imika qalqaaladeedii lagu jiro in la baabiyo nuclear facilities kii ay ugu talo galeen in ay laydh ahaan u isticmaaleen. Isla markaana si aan madmadow ku jirin Maraykanaka iyo Israel ay u sheegeen in aanay marna ogolaanayn in Iran ay nuclear yeelato.
5- Ethiopai oo qabsatay Somalia (Qeybtii uu talyaanigu gumaysan Jiray).
Waxaan odhan lahaa madaxwayne Dahir Riyaale iyo Xukuumadiisu ha noqdo kii la dagaalamayay argagixisada Puntland ee dhabarka ku haysa Dagaal ooge C/llahi Yusuf.
6- Somaliland oo qabsan doonta Puntland.
Waxaan Puntland ku boorinayaa inay ilaaliyaan xuquuqda baniaadamka iyo jaarnimada isla markaana xaqdhawraan xeerka guud ee caalamka u yaal dhinaca xuduudaha. Hadii taasi Puntland iyo Cadde Muse ku qanci waayaan waa in xuduuda cusub ee Somaliland noqotaa Gaalkacayo ilaa inta dawlad Somaliyeed oo habaysani ka dhalanayso Koonfurta Somali oo Gobolka Puntland xilkeeda lagu wareejiyo. Somaliland ma aha gobol sida gobolka Majeerteeniya ama Dhul beeleedka Punland ay ula baxeen maleeshiyada Cadde Muse ee Somaliland waa qaran. Waxaan idin odhan lahaa waa maleeshiyad Cadde Muse ee wakhtigan ma qaybsami kartaane oo Koonfur ayaad la daalaa dhacaysaane markale inooga dhiga ood dhantihiin. “Sidi sidi dada mooyee dhul u dhacaaga hubso”. Yaan Boosaaso iyo Garawe lagaa qabsan ee dib u liq bootadaada.
Waxaan odhan lahaa Somalia iyo madaxwaynaheeda C/llahi Yusuf, Somaliland hadyad looma bixin ee xabad ayaa lagu qabsaday, dawladaada oo bakaaraha soo dhaafi kari wayday ama wali Baydhabo kuu tahay dhufays aad xabada kaga gabato, waxaad Somaliland ma ogoli inay go’do afkaaga uga tiraa waa calyo kaa qubatay. Lixdankii hadii Somaliland hadyad laydunku keenay, maanta xabad ayuun baad ku keeni kartaa ee taa ku talo gal.
Midna waxaan odhan lahaa Hawiye.
Aad iyo aad ayaan uga xumahay waxa ka dhacaya Soomaaliya Muqdisho iyo nawaaxiyaheeda. Waxaan mar walba u sheegayaa in Hawiye ay u furantay inay ku soo dhawaadaan Somaliland hadii uu bara kac dagaal ku yimaado maatidooda. Waxaan filayaa in aan marna wax magacyo ah loogu yeedhi doonin sidii ku dhacday qaxootigii Somalilanderska ee ku qaxay Muqdisho 80 kii markii dagaalkii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoraynayay ka dhacay Somaliland. Magacyadaas oo wali raadkoodii uu dad badan ku qoran yahay maskaxdooda sida Gob jabtay, hadana walaalahooda Somaliland gacmo furan ayay ku soo dhaweeyeen kuna soo dhawayn doonaan mustaqbalka.
Marka umadi khalad samayso waxaa laga dhaxlaa taariikh, waxa kaliya eey taariikhi manafaacad leeday waa in aan lagu celin khaladaad hore u dhacay ama la xasuusto dhacdooyin xiise leh oo horay u dhacay. Waxbaa laga bartaa waanay qiima badantay taariikhdu.
Somaliland khalad ayay samaysay markii ay la bahawday Somalia, laakiin khaladkii waxaa la saxay markii la jabiyay faqashtii. Waxaan filayaa inaan khaladkaa mid la midi dhici doonin mustaqbalka. Waxa khaladkaasi ku dhacayna ee dalka dhan ee afarta cisho jiray loogu riday cadaabta waxa uu ahaa hubsiimo la’aan iyo kursi iska riixasho.
Hawiye waxba kama baran dhacdadaa taariikhiga ah ee ku dhacday dadkii reer Somaliland.
Ta Hawiye ku dhacday maanta waa tii lixdankii ku dhacday Somaliland oo kale. Hawiye dawladii oo cidla ah ayay heleen waxaanay dib gacanta uga gasheen dadkii laga qaaday. Kursi iska riixasho ayaa ay Muqdisho bilaa dawlad u ahayd 16 sano ugu dambayntiina afka ayaad uga galiseen yaxaas. Ma odhanayo abaalkiin baa idin helay lakiin garaad xumo ayaa idin qaaday ee isu sheega taa.
Waxaan maqlayay ninka lagu sheegay Prime Minister Gedi oo ka hadlaya Jamhuuriyadda Somaliland oo leh dhiig qubta oo danbe uma baahnin markii C/llahi Yusuf iyo xulafadiisii ay ku jiq siiyeen ee ay ku fuliyeen xasuuqii ka dhacay Muqdisho. Prof. Gedi maxaad reebtay ee hadhay? Marka aad tidhi Somaliland ma ogolin inay go’do, miyaad filaysaa inaad dhiig la’aan ku soo celin kartid Somaliland. Ma markuu C/llahi Yusuf dhiiga kuu daray ayaad toostay. Maad ka hadashid dhiiga Muqdisho ku qubanaya maalin walba. Miyaanay Somali ahayn Prof. Gedi. Maantana waxaa laguugu daray in aanad Baydhabo ka bixi Karin. Waxaan filayaa in C/llahi uu kaa dhamaystay ujeedadii uu kaa lahaa ee ahayd inaad Muqdisho dadka ku nool aad Dhulka la sintid, imikana albaabkaa lagu tusay ood garan laday sidaad u bixi lahayd.
Waxaan Hawiye odhan lahaa hadii ay idin ka dhabtay Somaliland waa walaaladayo, madaxdiina iyo odayaashiinu hana tusaan walaaltinimada. Waxaan uga jeedaa Hawiye oo isku midaysan ha yiraahdaan WAANU AQOONSANAY GOONI ISUTAAGA SOMALILAND. Wixii intaa ka sokoysa anigu Saleban ahaan waxaan u arkaa ilmadii yaxaaska.
Markii iigu dambaysay een eegay halka uu Hawiye ka taagan yahay go’itaanka Somaliland waxay ahayd markii C/qasim, Xuseen Caydiid, Ali Mahdi, Iyo Gedi oo hada jooga ay iska daba mareen Somaliland ma ogolin in ay go’do. Yaa idin waydiinaya inay go’ayso iyo in aanay go’ayn, rag baa xoraystay ee taada horta xoree intaanad tu kale fara galin.
Markaan arko warqad ka socota madaxda siyaasada iyo dhaqameedka Hawiye oo ku socota Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Ururka Muslimiinta iyo Ururka Jaamacada Carabta ayaan rumaysanayaa inaad Somaliland wax u ogashiin idina aad meel gaadhaysaan waayo Somaliland mar walba waa u diyaar inay idinka caawiso xalinta mushaakilaadka idin haysta.
Ugu dambayn waxaan odhan lahaa Hawiye isku noqda oo ku dayda Somaliland sida horumarka iyo tanaasulaadka leh ee ay wax u qabsanayaan ama u wada hawl galayaan.
Waxaan mar labaad u hambalyaynayaa dhamaan cidanka qaranka, dawalada, xisbiyada mucaaradka, iyo dhamaanba shacbiga Somaliland guusha maanta ay soo hooyeen een dib u laabashada lahayn.
Saleban D. Abdillahi
Toronto, Canada.
salebandahir@gmail.com

- Ina Baxar
- SomaliNet Super

- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: JSL Armed Forces few miles from Majeertenia capital Garowe
Waalida Idoorka lagu sheego waa tan oo miidhan ^^
Siyaasi hebel ayuuba isku baxshay

Siyaasi hebel ayuuba isku baxshay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1323 Views
-
Last post by dagameison
-
- 18 Replies
- 2998 Views
-
Last post by udun
-
- 4 Replies
- 1572 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 3 Replies
- 1446 Views
-
Last post by greenday
-
- 41 Replies
- 6025 Views
-
Last post by Classiq
-
- 9 Replies
- 2310 Views
-
Last post by Jheeze
-
- 16 Replies
- 4117 Views
-
Last post by saacJabshee
-
- 1 Replies
- 1385 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1408 Views
-
Last post by Hennystreak
-
- 8 Replies
- 1408 Views
-
Last post by PrinceNugaalHawd