Miya la Iska Iloobay DR Gaboose iyo INa Xaashi?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Miya la Iska Iloobay DR Gaboose iyo INa Xaashi?

Post by LiQaaye_TDH »

Guud ahaan dadka Somaliyeed, gaar ahaanna dadka Somaliland waa dad hore eega oo aan dib u eegin dhacdooyinkii soo maray.Arrintaas oo marka dhinac laga eego ah arrin wanaagsan oo suura-gelisa in dhakhso looga bogsado dhibaatooyinka dhaca, waxayse leedahay dhinac kale oo ah in aan laga daba tegin qaladaadka ummadda laga galo ee masiiriga ah.

Arrintan dambe ayaa ah mid ay ogaadeen oo caadeysteen inay danahooda gaarka ah uga faa’ideytaan ragga hoggaanka dalka hayaa, iyagoo iskuna qanciyey in aan waxyaabaha foosha xun ee ay falaan cidi daba geli doonin. Taas oo ummaddan dhaxalsiisay fadhiidnimo dhinac kasta ah.

Waxa haddaba soo qaadis mudan gefefka isdaba joogga ah ee uu Madaxweyne Riyaale ka galay Ummada iyo Distoorka dalka oo haataan gaadhay xeer faraha ka bax ah, isagoo caddaystay inuu ku tunto sharciyadii ugu muhiimsanaa ee la xidhiidhay xuquuqda muwaaddinka oo cidduu rabo xabsiga dhigo ayagaa oo aan dembi gelin. Gaadheyna inu biri-mageyda jeel dhexdii ugu diro kolba mid u ku sheego xaakin uu u sii dhiibay xukun uu isago gaadhay. Wuxuse ma laha moog yahay dhiilka buux dhaafaa inu daato oo laysaga dambayn doono.
Waxa ka mid ah gefefka laf jabka ah ee uu Riyale ku kacay:

Inu Golihii Guurtida jujuub distoorka khilaafsan ugu cusbooneysiiiyo hawshaas oo laga hor joogsaday ciddii lahayd oo ah golaha wakiillada.
Inu Komishankii doorashada kala diro isaga oo aan cidna kala tashan sharcina u cuskan, isla markaana gacanta u geliyey xafiisyadii hay’adda qaran ee dhexdhexaadka ah qaar ka mid ah shaqaalihiisa, kagana saaray komishankii dhexda ahaa qori caaradii xafiiska
Inu Wasiirro aan laansixin gacanta u geliyey maamulka wasaaradaha iyadoo aanu distoorku sidaas saamaxayn.
Inu is-hor-taagay hawshii golaha sharci dejinta ee ay dalka ugu soo dabbaali lahaayeen sharciyadda.
Inu is hor-taagay hantida qaran ee ka soo baxda dekedda iyo haamaha shildaalku inay gasho dhakhliga dalka. Isaga oo hantidaas jeebka ku shubta.
Inu sharci darro isaga xidho masuuliinta danaysa dalka iyo dadka ee ka hadla ku tagri falkiisa awoodda iyo addunka ummadda.
Inu ku guul darraystay inu sida distoorka ku cad xogta iyo hawsha maamulka dalka la wadaago golaha wakiillada, diideyna inu mar qudha hor yimaaddo golaha si u ugu xog warramo.
Inu diidey ku dhaqanka miisaaniyadda golaha wakiilladu ansixiyeen, kuna dhaqmay mid aan sharci ahayn.
inu..inu..inu
arrimahaas kor ku xusan iyo qaar kale oo aanan dhammayn Karin oo ay ugu dambeysay sidii uu ula dhaqmay Guddigii mudanka iyo biri-ma-geyda ahayd ee dhexdhexaadineysay isaga iyo gole yaasha ayaa caddaynaysa in aanu Riyaale kabbashana Alla ha ka yeelee ahayn nin uu u bilaaban yahay maamulka iyo hoggaanka dawladnimo. Dalaka iyo dadkana uu gacanta u geliyey cadaw.

Dadka dalkan ku nool waxa waajib ku ah inay ka gilgishaan oo loo hawl galo sidii loo soo furan lahaa Halyeyada afduuban ee Qaran loogana takhalusi lahaa laba eefka iyo han yaraanta xisbiga nin keliyaalaha ah ee Faysal Cali Waraabe oo ay ku fillaadeen wax yar oo loo tuuraa.

Waa in dalka lagu soo dabbaalaa sharafta sharciyadda iyo ixtiraamka xuquuqda muwaaddinka. Haddii kale waa af-salax-ku dheggeennii.

Somaliland Ha waarto
Wa billaahi tawfiiq
Daha Farah
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Miya la Iska Iloobay DR Gaboose iyo INa Xaashi?

Post by The_Emperior5 »

kuwa injirtii ba cuntay Laughing
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Miya la Iska Iloobay DR Gaboose iyo INa Xaashi?

Post by LiQaaye_TDH »

91 Days now
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”