Sade Trading Company fixes destroyed Baardheere bridge.
Posted: Sun Oct 28, 2007 2:17 pm
Madaxa Howlgalada Shirkada Somkan Trading Company CabdiKhadar Sh Faarax Xasan Deer Oo Sheegay In Dayactir Ku Sameyeen Qeybahii Ay Ka Buburtey Buundada Baardheere
Oct 28,2007
by Baardheere-GEDO-NN
Buunadadii Degmada Baardheere oo dhowaan ay ka burbureen qeybo ka mid ah biraha iyo alwaaxda ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu sameeyey dayactir kooban oo ku meel gaar ah, taasina waxa ay keentay in gaadiidka yar yar ay hatan maraan, inkastoo weli Bbunadadu ay u baahan tahay dayactir balaaran oo ka bedalan sida hadda ay ku sugan tahay.
Howsha dayactirka ah ee lagu sameeyey qeybaha ay ka burburtey Buundada Baardheere ayaa waxaa fuliyey Shirkada Ganacsiga ee lagu magacaabo Somkan Trading Company oo ka howlgasha Gobolka Gedo iyo gobolo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya. Masuuliyiinta shirkadaasina ay sheegeen in talabadani ay u qaadeen kadib markii uu codsi waxqabad ah uu kaga yimid maamulka degmada Baardheere iyo odoyaasha deegaanka oo codsadey in dib u dhis ay ku sameeyaan Buundada.
Abdi Khadar Sh Faarax Xasan Deer oo ah Madaxa Howlgalada Shirkada Somkan Trading Company oo iminka ku sugan degmada Baardheere ayaa Gedonet u sheegay in shirkadoodu ay wado qorshe balaaran oo dib u dhis loogu sameynayo Buundada Baardheere oo uu sheegay in halbowle xagga nolosha ah ay u tahay kumanaan dad ah oo ku kala nool Gobolka Gedo iyo Gobolada deriska ah, isla markaana ay muhiim u tahay isu socodka gaadiidka ganacsiga, gargaarka Biniadinimo iyo Xoolaha nool ee u kala goosha wadamada deriska ah.
Abdi Khadar Sh Faarax ayaa dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in shirkadoodu lug weyn ay ku leedahay howlaha Samafal ee ka socda Gobolka Gedo iyo gobolada deriska ah, isagoo sheegay in Degmada Garbahaarey ay ka fureen Bakhaar weyn oo raashinka gargaarka ah lagu keydiyo oo qaada markiiba ilaa 2500 MTone, howlahaasi baaxada leh ayuu ku micneeyey kuwo loogu adeegayo Bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, mudadii ay goneyd buundada ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelatey dhaqdhaqaaqa xaga ganacsiga iyo isu socdka Gaadiidka sida Badeecadaha, arrimahan oo is biirsadey awadeed ayaa waxa ay keeneen in qiimaha raashinka iyo iibka xoolaha nool uu cirka isku shareero.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere