Degmada Beledxaawo Oo Maanta Dooranaysa Maamulkii Degmada
Oct 28,2007
byB/Xaawo-Gedo-GNN
Waxaa maanta ka socda magaalada Beledxaawo doorashadii maamulka degmada Beledxaawo, iyada oo saaka ay odayaasha degaankan ay soo gudbiyeen guddiyadii doorashada ee sameyn lahaa maamulka degmada kuwaasoo saakayba billaabay in la doorto maamulkii degmada Beledxaawo.
Harada xaafadda Farjanno ee magaalada Beledxaawo ayaa saaka waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u tira badan oo dhammaantood ka soo qayb galay doorashada maamulka degmada oo ay u sharraxan yihiin rag door ah oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii degmada Beledxaawo Axmed Maxamed (Burkuus), nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Kaahin, Cabdiraxmaan Maaddey iyo rag kale.
Waxaa aad loo sugay ammaanka harada iyo degaanka ku dhow dhow oo saacadaha soo socda la filayo inay ka dhacdo doorashada maamulka degmada Beledxaawo. Waxaa sidoo kale muuqata dad ka soo hor jeeda doorashadaas oo iyagu u arko in ay ka hor imaanayso nidaamkii loogu tala galay, waxaana dadkaasi ay ku doodayaan in doorashadaan la marin habaabinayo.
Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka sida Xildhibaan Xuseen Caddaawe ayaa waxa ay ku tilmaameen maamulka iminka loo sameynayo degmada Beledxaawo iyo guud ahaan degmooyinka gobolka in uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn oo sida uu ku sheegay mid baadil ah.
Degmada Dolow ayaa dhowaan laga sameeyay maamul doorasho, iyada oo guddoomiyihii hore ee degmada Dolow Cabdirashiid Xasan mar kale loo doortay, maamulka degmada in kasta oo xubnaha ka hooseeya wax yar oo is beddel ah lagu sameeyay.
Degmooyinka kale ee gobolka ayaa waxaa sidoo kale ka socota hawlihii ugu dambeeyay ee maamul u sameynta degmooyinkaas, iyada oo marka la dhameystiro sameynta maamullada degmooyinka, isla markiiba loo gudbi doono maamul u sameynta gobolka oo ay degma walba 4 xubnood uga qayb geli doonaan doorashada maamulka guud ee gobolka Gedo.
Beledxaawo-Gedo News Desk
Democratic elections start in Gedo (primaries)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- MJ-Pride
- SomaliNet Super
- Posts: 8362
- Joined: Tue Mar 13, 2007 8:16 pm
- Location: ^Removing the fake Cimaamad and shaving the fake beards of these thugs
Re: Democratic elections start in Gedo (primaries)
So Marehans choosing between themselves? How ODD!. Just give it to one of you FFS.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 516 Views
-
Last post by DaahirMursal
-
- 9 Replies
- 1136 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by sahal80
-
- 27 Replies
- 1727 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 1 Replies
- 357 Views
-
Last post by Publicopinion
-
- 1 Replies
- 544 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 3 Replies
- 751 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 1 Replies
- 415 Views
-
Last post by sahal80
-
- 35 Replies
- 3378 Views
-
Last post by Caytame
-
- 5 Replies
- 608 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj