W.Q.Mulac
kaahaan@yahoo.com
Isniin, January 05 2004
Dadka Soomaalida oo ah dad reer guurraa guntoodu, waxaay hadba dhan u dhaafayeen webiyada Shabeelle, Jubba ama Ganale-Weyb, Daawa iyoTana haday noqon laheyd collaado ama abaaro dabada ka waday hayaankooda. Halkaas oo ay ku soo baleeyeen dadyow kale oo aan deris nahay. Markaad eegto magacayada dhulka Soomaalida waxaad ku arkaysaa in ay dhulweynaha Soomaalidu degto ay ku noolaan jireen qoomiyado kale oo ay ka mid ah bahweynta Kuush.
Inkasta oo dad badani ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay baro kicinaysay dadka ay dareska yihiin siiba Oromada iyo Cafarta. Haddana waxaa soo baxaya raadad muujinaya in ay Soomaalidu mudo dheer ku nooleyd geeska Afrika oo ay ka da'weyntahay sida horay loo fishay, hadba qoomiyadaha ay walaalaha yihiin ee Oromada, Cafarta iyo Siidamada ay hadba qolle dhaqdhaqaaqyo hayaan ay samaynaysay oo ay baro kicinaysay qoomiyadaha kale ee ay deriska yhiin.
Beelaha Soomaalida qudhooda waxaa ka dhex taagnaa is riixriix iyo dhul balaarsi weli socda, tusaale ahaan qabiilka Ogaadeenku wuxuu teedsanaa mar aan saas uga sii fogeyn 1840aadkii inta u dhaxeysa agagaarka magaalada Hargeysa, Burco, Oodweyne, Laascaano, Wisil oo Gaalkacyo koofur kaga beegan,Caabudwaaq,Galaadi, Dhudub ilaa biyo fariisadka loo yaqaan Hiiraan ee looga magac daray gobolka Hiiraan oo magaalada Beledweyn waqooyiga uga beegan. Halka Mareexaankuna dhanka baeriga ka xigay oo ay deggenaayeen inta u dhaxeysa Beledweyn, Ceeldheer, Ceelbuur iyo Galinsoor. Hawiyuhuna ay xeebta ku cabursanaayeen
Guud ahaan dhulka Hawdka loo yaqaan ee daaqsinta ku fiican wuxuu ahaa mid gacanta ugu jiray qabiilka Ogaadeenka, taasina waxaay dhalisay in Soomaalidii kale oo dhan xoolahoodu ka caaganaayeen dhulsanka ay maanta degganyihiin qabiilooyinka Hartiga, Mareexaanka bari, Isaaqa iyo Hawiyaha galbeedka Hiiraan oo dhamaantood ku midoobay boobka Hawd. Dhulka Hawdka badankiisa waxaa laga barokiciyay Ogaadeenka iyo beelo Oromo ah o ay Ogaadeenka oodwadaag ahaayeen.
Qabiilooyinka Soomaalidu ee xulufada ahaa siday hadba u kala tabar roonaayeen ayay u hantiyeen dhul sanka Hawdka, markii uu gumeysigu yimid dalka waxaa ayana dhulbalaarsi lagu sameeyay beelaha Dhulbahantaha iyo Mareexaanka oo aan gacansaar fiican la laheyd maamuladii gumeysiga oo ay dagaal iyo amardiido kula kaceen, taasina waxaay sababtay in Mareexaanka koofurta maamulkii Ingiriiska ee Kenya uu ka eryay dhulka NFD loo yaqaan biloowgii 1900 markaas oo ay deggaanka Mareexaanku gaarayay Wajeer ilaa Daafaha Gaarisa, arrintaas oo dhacday ka dib markii beesha Mareexaanku ay diiday in ay canshuuraha bixiso, lagana amaan heliwaayay shuftaysigii ay kula jirreen dadkii ay deriska ahaayeen, sidaas oo kale Dhulbanantuhu wuxuu isna eeday Daaraawiish oo ay laf dhabar iyo saldhigba u ahaayeen, dawladdii Ingiriiskuna waxaay ku hubaysay qabiilooyinkii dhaqdhaqaaqii Daaraawiishtu dhibaateyn jiray oo Raaciye ama Isaaq ahaa, halkaasna waxaa looga baro kiciyay wixii ka badbaaday Dhulbahante Togdheer iyo Waqooyi Sanaag.
Dhanka galbeedka webiga Jubba waxaa ayana ka socday dhulbalaarsi xoog leh oo ay wadeen Mareexaanka iyo Ogaadeenka oo si xun u ciribgooyay qoomiyado Oromo ah iyo kuwa Soomaali ah, waxaa gobolada Gedo iyo Jubbada hoose laga faramaroojiyay Booran, Wardeey, Garre, Deggoodi iyo dadyoow kale. Gobolada baay iyo Bakool waxaa xoog u deggenaan jiray beesha Ogaadeenka ka hor intii aanay Raxanweynta oo la aaminsanyahay in ay ka soo jeedaan koofurta Bale ee Ethiopia aanay hantiyin.
Dhul balaarsigaas oo ilaa maanta ka socda geeska Afrika ayaa wuxuu yahay mid si fiican looga dareemi karo Galguguud waqooyigeeda oo beelaha Hawiyuhu isku balaarinayaan oo ay ku barokiciyeen beelo ka mid ah Mareexaanka, halka Jubbada hoose Mareexaanka koofureed oo dhulbalaarsi weyn ku sameeyay tan 1989kii halkaas oo beesha Ogaadeenka, Gaaljecelka, Cawromalaha iyo Raxanweynta ay midba gooni u riixeen, qabiilka Mareexaanku waxaay maanta isku xirmeen inta u dhaxeysa Doolloow Gedo ilaa Kismaayo halka qayb kale oo ka mid Mareexaanka ay beesha Deggoodiga ka soo riixayaan koofurta Ethiopia si ay iskugu xirmaan 1000km ee u dhaxeeya Neggele iyo Kismaayo, Galbeedka Sool iyo Sanaagta dhexe oo Dhulbahante iyo Warsengeli ay Isaaqu ka soo riixayaan. Gobalada Shabeellooyinkana waxaa ka socday barokicin ay beesha Hawiyuhu ku haysay Digil iyo Gaalojecel.
Is duudsigaas oo jira yaa su'aashu waxaay tahay Soomaalidu dhulka ma kala leedahay? Aniga waxaay arrintu iigu muuqataa in aan Soomaalidu dhulka kala laheyn, balse ciddii hantigaar ah meel ku leh sida beer ama dhismo in ay xaq u leedahay lahaanshaha dhulkaas laakiin in xoola dhaqatu aanay xadlaheyn oo xataa gumeysigii Soomaalida kala qaybsaday xal iyo maaro ayuu u waayay xakameynta reer guurraaga Soomaalida, saas darteedna loogu ogolaaday in ay is dhex guurraan wadana daaqsadaan maamuladii gumeysiga ee Talyaaniga, Xabashida iyo Ingiriiska.
Taasina waxaay aheyd sidii xukuumadii Kacaanku ku dhiirigalisay dadka Soomaalida, wax dhib ah oo ka timidna ma aanan maqal is dhexmarka iyo wada daaqsiga reer guuraaga Soomaalida oo aan ka aheyd "Dacfaruure" Siyaad Barre oo tolkiis u baxsheen.
Waxaan shaki iiga jirin in ay jiraan dhowr qabiil oo Soomaali ah dhul boob ku haya beelaha ay deriska yihiin. anagoon runta kala gabanayna waxaan u arkaa in beelaha Soomaaliyed ee kala ah Habargidir, Mareexaanka koofurta iyo Isaaq ay waddaan dhul balaarsi ka dhab oo ay ku hayaan beelaha walaalahood ah ee ay qaarna deriska yihiin qaarna ay dool ugu yimaadeen ee Digil, Ogaadeen, Gaaljecel, Jareerta, Raxanweynta Jubba, Mareexaanka gobolada dhexe iyo Hartida waqooyi. inkasta oo dad badani ay ku tilmaamaan in isriixriixa Soomaalidu uu yahay mid si dabiici ah ku socda oo aanay jiran hadaf dheer oo ka dambeeya
barokicintaas maanta weli ka taagan Soomaaliya, haddana waxaay waayo aragnimada i bartay in Soomaalidu dhulka iyo geela la kala dhaco midna aanay isku celin.
Dadka Soomaaliya ku nool oo lagu qiyaasay in ku dhowdhow 10 milyan ayaan ka manaafacaadsan dhul beereedka iyo khayraadka Baddaha Soomaaliya, Macadanta Soomaaliya ceegggagtana waa mid ay ka diimoonyihiin Soomaalida geedaha hoostooda isku cunaysa ee ku hardamaysa dhulka Soolka ah ee aan wax soo saarka laheyn.
Waxaan qabaa in qof kasta oo Soomaali ahi uu si nabadgalyo leh ugu noolaado, beerto, dhisto kana kalluumaysto meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, saas ayaayna ku dambeyndoontaa Soomaaliya waa markaay dhamaato huuhaada iyo qabiilaysiga, waa marka map ka Soomaaliya laga waayo Somaliland aan Soomaalinimada rabbin iyo Buntland aan Boonta rabbin, waa markaay maskaxdeenu ka biskooto maxaaysatada Tichnikada la meeraysanaysa wadooyinka laga soo galo magaalooyinka basaasay ee Soomaaliya, waa marka aan USC, SSDF,SNF, SNM, RRA iyo dhiggoodu uu waayo taageerada shardi la'aanta ah ee ay siiyaan qabiilooyinka ay ku andacoodaan in ay danahooda u taagan yihiin.
Dhulweynaha Soomaalidu uma baahna in Soomaali kale laga ilaaliyo in uu ku noolaado ama ka manaafadsado, wuxuuse u baahanyahay in laga ilaaliyo kuwa damiirka ka dhintay ee xaalufinaya dhirtiisa awalba teelteelka ku aheyd ee jaraya kana dhoofinaya Dhuxusha Carabta nagalu saladay hilbaha arigeena aan u dhoofino ay ku solooshaan, kuwa dabar jooynaya Ugaadhiisa, kuwa burburinaya bilicsamidiisa, kuwa Sunta iyo ku shubaya ee qashin qubka ka dhigaya, kuwa khayraadkiisa badda u soo horkacaya maraakiibta shesheeye ee isticmaalaya shabakada kalluumaysiga ee adduunka oo dhan laga xaaraantinimeeyay ee soo xaaqa gunta badda.
Mar aan fogeyn Soomaaliya nabad ayaa ka dhicidoonta "inshaa Allaah" markaan miyarsano ee aan geesaheena eegno nooma soo noqon doonto qaranimadeenii, nooma muuqan doonaan goobihii bilicda samaa, dhismayaashii xasuusta qadiimiga lahaa, raadraacii yaraa ee aan ururinaynay tan iyo kontameeyadii, cilmi baaristii dalka, xoolaha, beeraha baddaha Soomaaliyeed, waxaanu dawladnimo sharuuc caalami ah baranay, ciidamadii qalabka siday ee Afrikada ka magacoownaa iyo kalsoonidii Soomaalinimada, deris wanaaga, wada dhalashada, nabad ku wada noolaashada, mana ilaawi doono boqolaalkii kun ee walaalaheen ahaa ee aan sabab qabiil ku xasuuqnay, ku macaluulinay, ku curyaaminay kuna farxumeynay, dhiiggoodii
qulqulayay, dalabkoodii ahaa in naftooda la badbaadiyo ee aan la akhbalin, caruurtii lagu ogoomeeyay aabahood qabiilkiisa dartiis, marwooyinkii Soomaaliyeed ee sayda madaxooda ku raagtay, hooyooyinka dhabtooda lagala baxay wiilashii ay dhalleen ee abtiyadood dooxdeen, hoogay oo ba'aydii, boobkii hantida dadka, kufsigii gabdhaha Soomaaliyeed iyo dulmiyadii aan dadkeena iyo dalkeena kula kacnay. Waxaanse noqon doonnaa sidii dad waali ka soo miyirsaday oo inta geesaha jaleecay ka dhex istaagay dhul halaag ku habsaday, garanwaayayna halka ay jooggaan iyo halaagga intaas le'eg markuu dhacay balse marba marka ka dambeeya maankooda ay ku soo duxatay xasuus fool xun, garwaaqsadayna in gaboodfalkaas in ay ka soo qaayb qaateen ayagoo miyir qaba. dabadeedna si ceeb iyo calool xumo ku jirto naftooda kula hadlay wax ereyadaydan muusanoowga ah u eg, kase xanuun iyo murugo durugsan:
Dad is qaawiyaan nahay haddana qaylo dhaan kicine
Qaab xumada iyo siliceenu dunidu way naga qalootaaye
Qooraansay cadowgeenu wuu soo qandoodsadaye
Qawlaysato iyo dad qalataynu nahay qaarar dhiigyo lehe
Qoonkii caruurtooda cuna looma qiil hela e
Awalba ubad dad qalatuu ahaa looga qaban waaye
Qiimihii nooga kororaana waa quursi iyo ceebbe
Qabri iyo markaad maayd fidhidid waa inaad qashuucdaaye
Kala quusan maynee dadyahow qaran jabkaan eegga
Wax qubtaba khasaaro u batee qaybta haray caansha
Qaab daran qabiil waan arkaye qaaylada u kaadsha
Waan qoomameeyaye Alloow qawlsan nagu toosi.
"Soomaaliya Soomaali baa leh"
F.G xogtaydu waa xal doon, safarkayguna waa Soomaalinimo doon.
W.Q.Mulac
kaahaan@yahoo.com
http://www.burtinle.com/rayi/mulac18.html
Dhul balaarsiga iyo dhiig baxa Soomaalida
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 58 Replies
- 500 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 4 Replies
- 646 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 195 Views
-
Last post by noer
-
- 22 Replies
- 1669 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 16 Replies
- 883 Views
-
Last post by Navy9
-
- 11 Replies
- 675 Views
-
Last post by Somalistan