

Dagaal xoogan oo caawa maribkii ka qarxay xeradii maslaxa ee duleedka suuqa xoolaha ee Muqdisho
Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 01, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Etthiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa caawa maqribkii ka qarxay xeradii Maslaxa ee duleedka suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Sida ay ku warameen dadka deegaanka, Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu bilowday abaaro 6:30 PM salaadii maqrib ka dib, iyadoo ilaa iyo haatan uu soconayo.
Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo yimid ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Xeradii Maslaxa.
" Waxaanu maqleynaa dhawaqa hub cul culus iyo madaafiic xoogan, waxaana jirnaa guryaheena, rasaastuna waxa ay ka soconeysaa dhul banaan oo ku aadan xeradii maslaxa" ayuu yiri Ciise Xuseen Beyle oo ka mid ah dadka deegaanka oo u waramay warbaahinta Shabelle.
Wariyeyaal ka tirsan Shabelle ayaa ku howlan xiriiro ay la sameynayaan goobaha dagaalka uu ka soconayo, iyadoo wixii tafaasiil dheeri ah aad ku maqli doontaan wararkeena dambe.
Wixii ku soo kordha kala soco Shabelle.net