7 Ethiopians DEAD

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

7 Ethiopians DEAD

Post by Sadaam_Mariixmaan »

7 ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia oo ku geeriyootay iska horimaadyo wali si goos goos ah uga socda Muqdisho

Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 02, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- 6 ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia sida la sheegay ayaa ku geeriyooday iska horimaadyo saacado socday oo maanta ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda wadooyinka 30 ka iyo warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadyadaan oo bilowday saakay ayaa waxa ay yimaadeen ka dib markii ciidamada Ethioipia ay saakay soo galeen xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon, H/wadaag , Warshiigleey iyo yaaqshiid, halkaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoogan oo kaga timid kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Iska horimaad ciidamada Ethiopia ku dhex maray xaafadaha ku teedsan inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia halka mid kalena uu ahaa qof rayid ah, iyadoo sidoo 4 ruux oo mid Erthiopian uu yahay ay ku dhaawacmeen halkaasi sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale iska horimaadyo kale ayaa waxa ay ka dhaceen xaafadaha Gubta iyo warshadaha halkaasi oo ay isaga horyimaadeen ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda.

3 ka mid ah ciidamada Ethiopia oo ku geeriyooday iska horimaadkaasi ayaa waxaa la soo dhigay isgoyska Baar Ubax kuwaasi oo gaari lagu keenay sida ay shabelle u sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale isgoyska Baar ubax ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo ka dhan ah ciidamada Ethiopia oo ay sameeyeen dadka deegaanka, iyadoo lagu gubay taayaro.

Iska horimaadkii ka socday wadada 30 ka ayaa yara qaboobay ka dib markii ciidamada Ethiopia ay dib uga laabteen halkaasi, waxaasa wali soconaya iska horimaadyo goos goos ah oo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhex maraya qeybo ka mid ah warshadaha iyo Gubta.

Sidoo kale qaraxyo gaaraya ilaa 3 ayaa waxa ay ka dhaceen xaafadda suuqa xoolaha kuwaasi oo lala beegsaday ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi soo galay, inkastoo wali aan la soo sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale iska horimaadyo ayaa waxa ay ka dhaceen maanta xaafadaha ku teedsan Qabuuraha Barakaat, halkaasi oo ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda ay isaga horyimaadeen.

Lama soo sheegin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia oo ka qeybqaatay howl-galladii maanta ciidamada Ethiopia ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaaladaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli maamulka gobolka Banadir uu sheegay in ay joojiyeen howl-galladii ay ka wadeen magaalada Muqdisho, lamna oga sababaha ka dambeeya howl-galada ay maanta bilaabeen ciidamada Ethiopia, iyadoo maamulka gobolka Banadir uu sheegay in la hakiyay howl-galadda ka dib codsi ka yimid odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Click here to find this article in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Email Us: news@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”