Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by The_Emperior5 »

Perth, Ustaraaliya (Tradingmarkets.com/Ogaal 03/11/07)- Shirkadda Qodaalka Shidaalka ee Range Resources, ayaa shaaca ka qaaday in ka dib qabsahadii ee Somaliland ay la wareegtay gacan-ku-haynta gobolka Sool ay joojinayso hawleheeda ay sheegtay inay ka waday maamul-goboleedka Puntland, sidaana waxa lagu sheegay web-sayd ay shirkaddaasi leedahay.

Shirkaddan oo heshiisyo qodaalka macdanta ah hore ugula jirtay maamulka mejeerteeniya, ayaa go’aankoodan ogaysiinayay meelaha ay khusayso, isla markaana fariintan ogaysiinta ah waxa kale oo lagu sheegay in Shirkadda Range Resources ay doonaysay kala caddaynta hadal qoraal ahaa oo ay ku tilmaameen inuu soo saaray Cadde Muuse. Kaas oo uu Cadde Muuse ku sheegay in uu u malaynayo in Shirkaddaasi dedaaladii iyo hawleheedii ay hakad galayaan, oo taasna, sida lagu sheegay qoraalka shirkaddan ay tahay mid ay keentay xaaladda cusub ee ka taagan gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood.

Sidaa daraadeed, waxay shirkaddaasi ku xustay qoraalkeeda in warkaa uu faafiyay Cadde Muuse aanu sax ahayn, isla markaana Cadde Muuse uu hadalkiisani ahaa mid uu ku hubinayay inay shirkaddu sii wadan karto hawleheeda iyo inkale. Balse, arrinta loo baahan yahay waa hubinta xuduudaha Puntland, ayaa lagu yidhi qoraalka shirkaddaas. Inkasta oo ay shirkadda Range Resources sheegtay inay joojinayso hawleheedii mejeerteeniya ay ka waday, haddana qoraalkeeda faahfaahin intaa ka badan laguma bixin.

Dhanka kale, Cadde Muusa-ha gobolka mejeerteeniya ee Soomaaliya, ayaa isaga oo la hadlayay baarlamaankiisa toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa yidhi, "Waxaan marar badan oo hadda ka horeeyay sheegay in aanu keeni doono tan (Shirkaddan) ama mid kale, maantase waxaan idin leeyahay maanta waxba kama hayo."

Shirkaddan Ustaraaliyaanka ah, ee Range Resources, oo sida la sheegay hore dhaqaale maal-gashi ah ugu deeqday nidaamka maamul-goboleedka mejeerteeniya, ayaanay kala caddayn in Shirkaddaasi ay halkaa sii joogi doonto, marka loo eego isbedellada cusub ee ka dhacay bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.

Source: Ogaal
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by The_Emperior5 »

they goos cadde muse dream shidaal buu doonaya sool uu somaliland ilu ka qoddo

aint gonne happend
User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33847
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by FAH1223 »

well Puntland was going to hoard the resources for itself...err

Cadde Muuse really
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by The_Emperior5 »

yea it was in sool where they gone drill oil

thats somaliland soil
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by LiQaaye_TDH »

:lol: :lol: good
Unclebin-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5303
Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity

Re: Range Resources Suspends it is Operations in mejeerteeniya

Post by Unclebin- »

LOOOOL at this idoor propoganda.... Range resources is in bosaso.... When did idoors get delusional? :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”