Page 1 of 1

IS GOD PUNESHING MAMUULKA GOBOLEEKDA MEJEERTEENIYA

Posted: Mon Nov 05, 2007 11:07 am
by The_Emperior5
Gaalkacyo: Abaaro ba'an oo ka jira gobalka Mudug qeybo ka mid ah.
5. november 2007

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email


--------------------------------------------------------------------------------

Print This Article | Daabaco warkaan

Gaalkacyo(AllPuntland)- Abaaro ba'an ayaa ka jira waqtigan lajoogo qeybo ka mid ah gobalka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya,waxa ayna abaarahaasi saameyn xoog leh ku yeesheen nolasha kumanaan dad ah.

Dad fara badan oo ka soo barakacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa gudbay Waqooyiga gobalka Mudug ,meelahaasi oo ay dhawaan ka da'een roobab lugu diirsadey inkastoo haatan la dhameystay naqii ka soo baxay halkaasi ,xoolaha oo ka tiro batey awgeed.

Gudoomiyaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Xuseen Cabdille Aw-Cali ayaa baaq qeylo dhaan ah ayaa soo gaarsiiyey Shabakada AllPuntland ,isagoo sheegay in dad gaaraya 3 qof Biyo la'aan ugu dhinteen meel Gaalkacyo ujirta 150KM ,kana xigta koonfurta dalka Soomaaliya.

Xuseen Cabdille wuxuu shaaca ka qaaday in ay abaarahaasi saameyn xoog leh ku yeesheen deegaanada kala duwan ee gobalka Mudug iyo kuwa deriska la ah ,sida Puntland iyo gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo uu fuulay Culeys xoogan oo dhinaca dadka ah.

Wuxuu ka codsadey hay'adaha Samafalka ee Qaramada Midowbay iyo Maamulka Puntland in ay dadkaasi gurmad deg deg ah fuliyaan ,isagoo sidoo kale ku amaanay dowlad gobaleedka Puntland soo dhaweynta dadkii ka barakacay Koonfurta gobalka Mudug ee gaaray gobalo kale oo ka mid ah Puntland.

Mr. Aw-Cali ayaa sheegay in beelaha gobalka Mudug ku dhaqan ay qaateen go'aan ku aadan gacansiinta nabadgalyada ,isla markaana haatan ay bilaabatey dibu heshiisiinta ayado beesha dagta Koonfurta Gaalkacyo ay gaareen deegaanada Burtinle ,Goldogob iyo Bursaalax ,halkaasi oo si nabadgalyo leh loo wada dagen yahay.

Abaaraha ka jira gobalka Mudug ayaa saameyn xoog ku yeeshay Suuqyada Magaalada Gaalkacyo ,waxa ayna Caanaha xooluhu gaareen meeshii ugu sareysay oo ay abid tagaan ,hadana Cirka ayaa ah mid cusub waxa ayna dadku filayaan waqtigan la joogo roobab xoog leh.

Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland

Warar La Xiriira