200 Oo ka Mid ah Maleeshiyadkii Majerteniya Ka Soo Goostay Oo Ku Soo Biiray Ciidanka Qaranka Somaliland Ee aaga Jiida Hore ee Gobolka Sool.
--------------------------------------------------------------------------------
200 Oo ka Mid ah Maleeshiyaadkii Majeerteeniya Ka Soo Goostay Oo Ku Soo Biiray Ciidanka Qaranka Somaliland Ee aaga Jiida Hore ee (Gobolka Sool.)
hadhwanaag 2007-11-07 (Hadhwanaagnews) Laas-caanood (HWN):- 200 Askari oo ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Maamulka Majeerteeniya laga caydhiyey gacan ku haynta Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa ku soo biirey Ciidamada Qaranka Somaliland.
Munaasibadii qarameynta oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo qaar ka mida dadweynaha ku nool Magaalada Laas-caanood.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo isagu hogaaminayey Weftiga ayaa waxa uu sheegay inaanay darxumo danbe arki doonin Ciidankaasi la qarameeyey.
“Waxa aad arkidoonta inaad dadka iyo dalka ka mid tihiin, inaan laydinku daadin doonin meel aan dani idiinku jirin, inaydaan ku dhimandoonin meel aan dalkiina ahayn, inaan laydiin sheegi-doonin wax aan dantiina ahayn” ayuu yidhi wasiirku.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu xusay oo uu yidhi “ Inaan Caadifad qabiilnimo laydin-gelindoonin, oo mid qaranimo oo mustaqbalnimo oo u badkiina, dalkiina, naftiina ahbaa laydin-gelindoona”
“Waxa hor Ilaahna ku wanaagsan mid dadkii aad ka dhalateena ku wanaagsan ayaa laydingelindoona, idinka [Ciidanka] la iskuma kiin diridoono oo ba heblaayo iyo ba heblaayo laydinma qeybin-doono” ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed oo sheegay inaan reer heblaayo iyo reer heblaayo loo qeybindoonin..
Wasiirka Hawlaha Guud oo waxa uu ku baraarujiyey Ciidamada Maleeshiyaadka ee la qarameeyey inuu qorshaha Puntland ay doonayaan inay dadka deegaanka Gobolka Sool iska horkeenaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.“Maamulka Puntland waxa uu shalay ku shaqeysanayey qeybaha Dhul-bahante qaar,maantana waxa uu leeyahay kuwii kale aynu-doonano, oo aynu iska horgeyno”
“Waxaanu qorshahooda haynaa inaanay iyagu Somaliland dagaal la soo gelin, laakin reer Somaliland oo reer Sool’a inay iska horgeeyaan” ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.
Md. Siciid Sulub Maxamed Waxa uu sheegay inay Xukuummad ahaan mideyndoonaan Ciidamada oo ay daryeelaan intii itaalkooda, isla markaana dhaqaalaha Magaalada Laas-caanood iyo dakhligeeda la mideeyo oo wax laydinku kordhiyo mooyaane laydinka qaado ilaa inta aad ka soo gaadhaysaan Gobolada kale ee Somaliland.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Waxa uu sheegay in la mideyndoono oo ay ka mid noqondoonaan Ciidamada Qaranka Somaliland, isla markaana ay la mid yihiin Ciidamada ragga kale ee ku jira, Waxa uu xusay in qofkii buuxiya shuruudihii ciidanimo uu mushaharkiisa qaadandoono
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu dalku dadka ka dhaxeeyo, isla markaana waxa uu xusay inay Ciidamada Qaranku yihiin kuwa hadh iyo habeenba heeganka u ah nabadgelyada, basle aanay jirin cid kale oo loo daba fadhiisanayo.
“Wixii imika ka danbeeya been lagu shaqeyn-maayo ee Ciidanka nabadgelyada ayaa amaanka sugaya, qabiil ayaan loo daba fadhiisanayn, reer ayaan loo daba fadhiisanayn, waxa loo daba fadhiisanayaa Ciidanka Qaranka oo nabadgelyada sugaya, qof looga haybadeysanayaana ma jiraan” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu ku eedeeyey dadka Deegaanka Sool u dhashay ee ku nool Wadamada dibadu inay yihiin kuwii dadka ka qixiyey Magaalada Laas-caanood..
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Is-gaadhsiinta Somaliland Liibaan Ducaale Caseyr
Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Jiida hore Ibraahim Caydiid oo isagu munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay Ciidanka ay qarameeyeen
Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
www.hadhwanaag.com
200 Oo ka Mid ah Maleeshiyadkii Majerteniya oo soo goostay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
Ghetto_Faarax
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1632
- Joined: Thu May 31, 2007 2:24 pm
- Location: Runtii if you are not isaaq, F'uck you
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 635 Views
-
Last post by suga_delic
-
- 5 Replies
- 779 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 5 Replies
- 905 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 466 Views
-
Last post by garoweboy
-
- 25 Replies
- 1879 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 634 Views
-
Last post by lali99
-
- 0 Replies
- 575 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 3 Replies
- 705 Views
-
Last post by Deqa111