familkii wiilashaas oo lacag deeq ah la gudoon siiyey,,,, ilaahay ha u naxariisto wiilashaas. gacan ka gardaran ayaa dishay.
daawro sawirada
http://www.beerdhiga.com
11 Milyan Sh/So oo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Garabka Xaad gudoonsiiyeen Qoyskii Gumeysigu ka diley Labada Wiil.
Beerdhiga 08.11.2007 13:22
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee uu madaxda u yahey Maxamed Xasan Xaad ayaa maanta kaalmo lacageed oo deeq ah waxa ay gudoonsiiyeen hooyadii maalin dhaweyd ciidanka gumeysiga Itoobiya ka dileen labadii wiil ee ay dhashey.
Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen xafiiskooda magaalada Muqdisho waxa ay ku gudoonsiiyeen qoyskii labada wiil ay ka dileen ciidanka gumeysiga Itoobiya lacag dhan 11 milyan oo shilin soomaali ah.
Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo baaritaano ka wadey maalmihii la soo dhaafey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka geystey xaafadihii baaritaanada ay ka wadeen tacadiyo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed oo isugu jira Dil, Kufsi iyo Barakicin.
Laba maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka gumeysiga Itoobiya oo baaritaano ka wadey xaafada ka mid ah degmada Yaaqshiid ay halkaa ku dileen laba wiil oo walaalo ah oo xilliga ay dilayeen wada socdey.
Qoyska ay ciidanka gumeysiga Itoobiya ka dileen labada wiil oo markii hore ka koobnaa 3 wiil iyo hooyada iyo aabaha, ayaa hadda isugu soo harey wiil yar, hooyadii iyo aabaha oo labadoodu waayeelo ah.
Qoyska ayaa si weyn ugu mahad celiyey Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye garabka Maxamed Xasan Xaad oo gudoonsiiyey lacagta deeqda ah ee gaareysa 11 milyan Sh/So.
Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye gudoonkooda oo halkaa ka hadley ayaa sheegay in ay ugu talo galeen deeq dan lagaceed in ay ku samirsiiyaan qoyska ay soo gaartey musiibadu oo labadii wiil ee reerka u shaqeyneysan ay ka dileen ciidanka gumeysiga Itoobiya iyaga oo aan waxba ka galabsan.
Tacadiyada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee ciidanka gumeysiga Itoobiya kula kacaan shacabka ayaa maalinba maalin ka sii badanaya xilli in badan oo ka mid ah dadkii ku dhaqnaa magaalada Muqdisho ay ka qaxeen magaalada oo ay hoy iyo deegaan ka dhigteen geedaha iyo banaanada daafaha magaalada muqdisho.
two brothers were killed in xamar by the ethiopian
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 698 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 11 Replies
- 1012 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 15 Replies
- 2213 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 226 Views
-
Last post by Kramer
-
- 22 Replies
- 1328 Views
-
Last post by KlashneFolk
-
- 16 Replies
- 125 Views
-
Last post by KlashneFolk
-
- 26 Replies
- 2631 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by Basra-
-
- 11 Replies
- 1033 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah