MAXAA LAGA RABAA MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

MAXAA LAGA RABAA MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE?

Post by Alta Vista [Bot2] »

Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabaraakuthu.

Waxaan halkaan ka salaamayaa walaalahay Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan.
Waxaan inta badan aqriyay websiteyada Soomaliyeed intooda badan waana ka aqriyay wax, aan la yaabay oo ah in weli waxlaga sheegayo (ILAAHAY NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIYEE MARXUUM MADAXWEYNIHII MACAANAA MAJOR GENERAL MAXAMED SIYAAD BARRE)

Waxaana u soo gaabin doonaa insha’allah (M.S.B.) umadkasta waxayleedahay taariikh waxaana wanaagsan in runta laga sheego sababtoo ah runta waxaa kugu jecel ilaahay beentana waxaa kugu jecel sheydaanka.

Soomaali qabiilkasta waxay sameeysatay (WEBSITE) iyadoo aysan jirin wax
layiraahdo BINIAADINIMO, MUSLINIMO, IYO SOOMAALINIMO, waxaana halkaas kaagacad in Soomaalida uu hayo cudar aan daawo laheyn oo ah (QABIIL) wuxuuna ku badan yahay dadka sheegta (AQOONYAHANO habarto cilmi (DIIN AMA MAADI).

Soomaaliya haba yaraatee majiro qof ka hadli kara oo sheegi kara halka dhibaatada soomaaliyaa ka soo bilaabatay balse anigu waxaan qabaa inuu dhibaatada Soomaaliyeed bilowatay waqtigii (GUMEYSIGA) oo dantiisu aheyd inuu soomaaliya kalaqeybiyo sidaas darted. (M.S.B.) wax eed ah kumalaha dhibaatada Soomaliya hadii soomaaliya waxqabsaneyso meeqa sano ayaa ka soo wareegatay markii (M.S.B) isaga tagay soomaaliya.

Horaa waxaa loo yiri (MARKII LA IS HAYO, LA ISMA GARTO, MARKII LA ISWAAYANA LA IS MAHELO) maantay soomaali ma udaarsatay (M.S.B) mise
waa kadarsatay qofkasata oo muslin ah oo soomali ah kana fiyow cudarka
aandaawada laheyn weydii ayagaa jawaabta kuu sheegi doone.

Hadii (M.S.B) iyo mareexaan dalka dambi ka galeen waxay ilatahay waa 0.01 soomaali inteeda kale iyagaa iska leh 99.99% taasina waa kaaga cad in Soomaliya loo kala qeybinayo (SIX LAND ) ee saas ula socda mar an tv ka daawaday nin tagey Soomaaliya wuxuu sheegay in umada soomaaliyeed markii la wareystay 95% ay dhaheen ilaahay manoosoo celinkaraa markale (M.S.B) waxaa halkaas kaagacad in qaa,in wadan,tuug gumeysiraac, qabqable dagaal, midxaaraan ka ganacsanaya ay dalkii ku soohareen.

Waxaan arkay ragbadan oo soomaaliya dhibaatadeeda ka soo shaqeeyay oo qaarkood dhinteen qaarna nool yihiin weli ma arag cid waxka sheegaysa tusaale (General Ceydiid, Maxamed Xaashi Cigaal labaduba waa dhinteen, oo anigu waxka sheegi maayo balse weli ma arag iyagoo waxlaga sheegayo marka waa loo heystaa (M.S.B.) soomahan qabiilka uu yahay Soomaaliya Soomaali baaleh.

Yaa tabay dowlad la’aanta waa dadka soomaaliyeed ee dhibaatada heysata nebsigii laga galayay dowladii soomaaliyeed way soo baxday ee saas ula soco.

(MADAXWEYNIHII MACAANAA MAJOR GENERAL MAXAMED SIYAAD )
BARRE)

Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee wuxuu soomaaliya u qabtay taariikhda ayaa qoreysa umana baahna in lagu xadgudbo waana madaxweynihi ugu wanaagsanaa ee soo xukumay Soomaaliya intii u dhaxeysay(21 oktoobar 1969- 1 Janaayo 1991) ilaa iyo intii tii ala u timid

Tii alle waan ku jecleen waana ku jecelnahay weligayna waan ku jeclaaneynaa ilaahay ha kaa abaalmariyo intii aad dadkaaga iyo dalkaaga u soo qabatay ilaahay ajar iyo xasanaad ha kaasiyo, ilaahay janadii fardowso ha ka waraabiyo.(AAMIIN)

Jaale madaxweyne waad noo soo shaqaysay waana inaan kuu shayna hadii
Ilaahay yiraahdo. (PRESIDENT MAJ. GEN MOHAMED SIAD BARRE FOUNDATION) waxaan kuu dhisi doona (LIBRARY) iyo (AIRPORT).


Insha,allah.
Wixii faahfaahin la soo xiriir (issepoet@hotmail.com
Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabaraakuthu.
Waxaa qoray (Garaad Ciise Jaamac Ciise-Gabay) MN USA.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: MAXAA LAGA RABAA MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE?

Post by The_Patriot »

waryua enough with the old man.
Lets not talk of dead people.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”