9 Ethiopians Killed Tonight
Posted: Thu Nov 08, 2007 2:19 pm
Viva the People of Xamar who are the ONLY ones besides the ONLF fighting the Xabash !
19 ruux oo 9 ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia oo ku geeriyooday dagaal la isku maqribsaday oo ka dhacay Muqdisho
Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 08, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- 19 ruux oo 9 ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaalo maanta ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda xaafado ku teedsan wadada 30 ka iyo Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho, sida ay ku warameen dadka deegaanka.
Meydka mid ka mid ah ciidamada Ethiopia oo dad careysan ay jiidayaan, Sii Daawo Sawiro kale
Iyadoo dagaalkii ugu xooganaa oo ay ka qeybqaadanayeen dabaabadaha ciidamada Ethiopia uu galabta ka dhacay xaafadaha Black Sea iyo Albaraka ayaa wali waxaa ka soconaya halkaasi israsaaseyn xoogan oo u dhaxeysa ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.
7 ka mid ah ciidamada Ethiopia ayaa ku geeriyootay dagaalkii galabta ka dhacay xaafada Black Sea, kuwaasi oo meydadkooda uu yaalo isgoyska Black Sea sida uu Shabelle u xaqiijiyay Goobjooge la yiraahdo Max'ed Bashiir oo soo arkay meydadkaasi.
6 ka mid ah dadka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen ganacsato halkaasi ku iibineysay qaro iyo alaabo kale oo uu ku dhacay Madfac Kaare oo ay soo rideen ciidamada Ethiopia.
Sidoo kale dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira xoogaggii ka soo horjeeday ciidamada Ethiopia.
Dagaalkaan oo bilowday galabta abaaro 4tii galabnimo ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamo Ethiopian ah oo baadi goob ugu jira meydka askari ka mid ah ciidamada oo maanta ku geeriyooday suuqa xoolaha lagu jiiday wadada 30ka, iyadoo xoogagga ka soo horjeeda ay weeraro ku qaadeen ciidamada Ethiopia markii ay soo galeen xaafadaha Black Sea iyo Baar Ubax.
Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay adeegsanayeen Taankiyo iyo Uralo ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, halka kooxaha ka soo horjeeda ay iyana isticmaalayeen Baasuukayaal, BKM iyo Bambaanooyin.
Dagaalkii saakay barqadii ka dhacay suuqa xoolaha ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia halka 7 kale oo labo Ethiopian ay tahay ay ku dhaawacmeen.
Waa dagaalkii ugu qaraaraa oo Muqdisho ka dhaca labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyadoo wali caawa ciidamada Ethiopia iyo xooagagga ka soo horjeeda ay is horfadhiyaan oo ay isku ridayaan rasaas culus oo teel teel ah.
Iska horimaadkaan ka bilowday wadada 30 ka ayaa waxa uu xiriir la leeyahay kii maanta barqadii ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.